Sign in to follow this  
Deeq A.

Dayax gacmeed loo dirayo meeraha Jupiter

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda hawada Sare ee Yurub ayaa hawada sare u diri doonta mid ka mid ah howlgallo muddo lagu taamayey .waxayna diri doontaa dayaxgacmeed tagaya meeraha Jupiter.

Dayaxgacmeedkan oo loo yaqaano Juice ayaa laga ridi doonaa xarunta dayaxgacmeedyada French Guiana .

Dayaxgacmeedka ayaa gali doona safar 8 sanno ah oo uu ku baadhi doono dayaxyada saddexda ah ee meeraha JupiterGanymaede, Callsito iyo Europa oo uu ka baadhayo haddii ay jiraan bado qarsoon oo biyuhu ka koobnaan karaan waxyaabo ili ma aragto ah oo noloshu ka semysanto.

Caalamkan barafka ah ayaa noqon kara meelaha hab qorraxeedkaee laga heli karo nolol ka baxsan dhulkan aynu naqaano.

Maamulaha hay’adda hawada Sare ee Yurub

Carole Mundell ayaa sheegtay wax badan oo ku saabsan howlgalkan iyadoo sheegtay in baaris badan uu sameyn doono dayaxgacmeeedku.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this