Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Jaamac Qaxooti oo lagu dilay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Ganacsade.jpg?fit=594%2C540&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay nin ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqaanay Laascaanood lagu dilay gudaha magaaladaas oo ay weli ka jirto xaalad kacsanaan ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Jaamac Cilmi Kadiye  (Jaamac Qaxooti), wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Marxuumka ayaa toogasho lagu dilay, waxaana baxsaday kooxihii ka dambeeyay dilkaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan Laascaanood.

Ma cadda sababta loo dilay ganacsade Jaamac Qaxooti, sidoo kalena lama garan haybta ragga dilay oongoobta ka baxsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee SSC, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda uu dilka ka dhacay, balse ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi.

Dilkan ayaa noqonayaa kii saddexaad ee loo geysanayo qof reer Laascaanood ah, muddo afar maalmood gudahood ah, taas oo shaki iyo walaac ku abuurtay dadka deegaanka.

Laascaanood ayaa waxaa weli ka jira dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, kuwaas oo ay wadaan ciidanka SSC iyo kuwa Somaliland ee weli isku horfadhiya magaaladaas.

Dagaalladan ayaa galay bishii 3-aad oo xiriir ah, waxayna sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen shacabka ku dhaqan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Si kastaba, dagaalladan ayaa ka dhashay kacdoon ay sameeyeen reer Laascaanood, kadib markii ay ka gadoodeen dilalk loo geysanayo dadka haldoorka u ah Sool.

The post Ganacsade Jaamac Qaxooti oo lagu dilay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this