Deeq A. Posted April 15, 2023 Madaxweyne Muuse Biixi ayaa saraakiisha ciidamada Somaliland amar ku siiyay in Laascaanood Todobaadkan lagu qaado dagaal xiriir ah oo socda mudda lix maalmood ah. Kornayl Biixi ayaa u sheegay saraakiisha in aysan mudda lix maalmood ah kala joojin weerarka si ay dib ugu qabsadaan Laascaanood sida ay xaqiijinayaan xogo amni. Xogtan ayaa sidoo kale sheegaysa in Muuse Biixi uu Saraakiisha ku adkeeyay in ay awood kasta geliyaan sidii Ciidka ka hor lagu qaban lahaa Laascaanood. Taliska Muuse Biixi ayaa in ka badan 60 cisho weeraro kala duwan ku hayay Laascaanood si uu dib ugu qabsado inkastoo uu dhammaantood ku fashilnay. Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale wax ka yar laba bilood Taliska Muuse Biixi kaga qabsaday guud ahaan Gobolka Sool marka laga reebo Taliska Gooja-cadde iyo nawaaxigiisa. PUNTLAND POST The post Xogtii u danbaysay ee dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites