Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi gets a heroes welcome in the capital:A historic moment!

Recommended Posts

cali_geedi_muqdisho1.JPG

Prof.Cali Maxamed Geedi oo si diiran loogu soo dhaweeyey Airporka No:50

 

Muqdisho :- Daqiiqado kahor ayuu Airporka No:50 kasoo degay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo xubno kamid ah dowlada Federaalka.

 

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha oo saarnaa diyaaradii labaad ee maanta soo cago dhigata Airporkaasi ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey kumanaan dad ah oo ka qeyb qaadanaya munaasabada Soo dhaweynta hogaamiyaha xukuumada Federaalka.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamo ah oo halkaasi ku soo dhaweeyey ayaa hada usoo gudbay dhanka magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan oo ay gelbinayaan gawaari aad u badan oo nooca tiknikada ah ayaa waxaa la filayaa in ay wax yar kadib soo gaaraan Hotel Ramadan ee magaalada ku yaal halkaasi oo ay ku leeyihiin Qado sharaf.

 

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah Wakiilka dowlada Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Afey iyo Safiirka dalka Jasaa'ir ama Aljeeriya u fadhiya Kenya ee Mr.Mohamed Hisene.

 

Soo dhaweynta maanta ayaa waxaa si weyn looga dareemay magaalada ayadoo shacabweyne isugu soo baxay soo dhaweynta ay dhooban yihiin daafaha jidadka si ay markaa halkaasi ugu soo dhaweeyan Ra'iisul Wasaaraha iyo xubnaha la socda.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

safarka.jpg

Ra’iisal wasaare Geeddii oo hadal kooban u jeediyey dadka reer Muqdisho

 

Muqdisho - 29.April.2005 Ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliyeed, Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maanta gaarey caasimadda Muqdisho tan iyo intii loo doortay xilkaas, ayaa hadal kooban u jeediyey dadweynaha magaalada Muqdisho.

 

Raiisal wasaaraha oo ka hadlayey xaruntii hore ee xisbiga ayaa waxaa uu cudurdaar ka baxshey in uu hadal badan u jeediyo dadweynihii halkaasi ku soo dhoweeyey, daalka safarka awgiis, waxanu uga mahad celiyey soo dhoweyntii ay u sameeyey dadka reer Muqdisho.

 

“Waxaa ii cad in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Dowladda sababta oo ah saacado dheer ayey u taagnaayeen qoraxda si ay u soo dhoweeyaan madaxda dawladda federaalka Soomaaliyeed†ayuu yiri ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Markii uu ra’iisal wasaaruhu dhammaystay munaasabadii xaruntii xisbiga halkaas oo ay mas’uuliyiin fara badan ku soo dhoweeyeen ayuu waxaa uu u gudbey Hotel Ramadaan halkaas oo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen.

 

Wafdiga Ra'salwasaaraha ayaa waxaa ka mid ah xubno ka socda Beesha Caalamka sida Danjire Maxamed Cabdi Afey oo ah Ergayda Xukumada Kenya u qaabilsan Arimaha Soomaaliya, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Ducaale, Wakiilka Jaamacada Carabta ee ee Soomaaliya Cabdalla Mubaarak, Safiirka Al-Jeeriya u jooga dalka Kenya Mohamed-Hecene Echarif iyo xubno kale oo aad u fara badan.

 

Wafdigan oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee No 50 ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliyiin aad u fara badan oo ka socdey Qaybaha Siyaasada ee Magaalada Muqdisho, Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe iyo Dadweyne aad u fara badan oo gaarayey kumanaan kuwaasi oo tubnaa ilaa Garoonka iyo Magaalada Muqdisho.

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

_41092541_plane203afp.jpg

 

Somali premier visits Mogadishu

 

Ghedi toured Somalia earlier this year but avoided Mogadishu

The prime minister of Somalia's transitional government, Ali Mohammed Ghedi, has begun his first visit to the capital, Mogadishu.

Mr Ghedi, who has been based in neighbouring Kenya since taking office last year, is trying to bolster the unity of the transitional government.

 

Somalia has had no functioning central authority since 1991.

 

The prime minister was greeted at an airstrip 50km from the capital by crowds of cheering well-wishers.

 

Officials who have returned to Mogadishu in recent weeks were also there to welcome him.

 

The main airport in Mogadishu has been damaged by years of warfare between rival militias.

 

The BBC's Mohammed Olad Hassan in the capital says the prime minister travelled to Mogadishu in a convoy of 70 vehicles, including jeeps mounted with anti-aircraft guns, known as technicals.

 

He hopes to persuade ministers and members of parliament to return to Kenya for further discussions on his plans for the relocation of the government.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The BBC's Mohammed Olad Hassan in the capital says the prime minister travelled to Mogadishu in a convoy of 70 vehicles, including jeeps mounted with anti-aircraft guns, known as technicals.

I wonder how Abdulahi Yusuf will travel about the city, if the "man of the city" had to go that extremes? That's ofcourse, if he even goes there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Wafdi u badnaa Wakiilada Beesha

Caalamka ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Labada Gobol ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, iyadoo Garoonka Diyaaradaha No-50 iyo inta u dhaxeysa muqdisho ay taaganaayeen dadweyne aad u fara badan oo sitay caleemo iyo sawirka Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Danjiraha Dowladda Yamen ee Soomaaliya iyo Wariyaal Shisheeye oo aad u badan.

 

Sidoo kale Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Jen Axmed Jilacow Caddow ,Afhayeenka Madaxweynaha Yuusuf Bari Bari, Xaaji Xuseen Cagay iyo Nuur Shirbow

 

 

Waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), Jen Maxamed Nuur Galaal, Maxamuud Cali Ugaas, Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan, Cabdi Qeybdiid, Xaaji Koogaar,Enj Maxamed Xuseen Caddow, Dr Cusmaan Dufle, Ganacsato u badan kuwa magaalada muqdisho iyo 160 oo Baabuurta dagaalka ah.

 

Ra’iisal wasaaraha oo ka muuqatay daal aad u fara badan ayaa waxa uu khudbad aad u kooban ka soo jeediyay xarunta Baarlamaanka oo horey u aheyd Xarunta Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed.

 

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka cudur daartay in uu ka soo jeediyo halkaasi Khudbad ka hadleysa waxyaabaha uu u yimid iyo barnaamijkiisa inta uu muqdisho joogo sida ay ahaandoonto isagoo aad ugu mahadceliyay sida loosoodhaweeyay iyo dadkii iskalahaa qabanqaabadda.

 

Ra’iisal wasaare Prof. Geeddi ayaa sidoo kale waxa uu u mahadnaqay dadweynihii maanta oo dhan qoraxda istaagsanaa oo sugayay oo kaliya soo dhaweyntiisa, “ waxaa ii cad in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Dowladda maxaa yeelay Qoraxdaan ma istaagsanaan leheyn hadii aysan dooneynin Dowladda midaasina waan ugu mahad celinayaa†ayuu yiri Prof.Geeddi.

 

Prof. Geeddi ayaa balan qaaday in maalin aan maanta aheyd u khudbeyndoono shacabka Soomaaliyeed wuxuuna ka cudur daartay in soodaahitaanka ay soo daaheen ay u sababtahay iyagoo ku jiray qabanqaabo aad u xoog badan sidaa daraadeed ay u soo daaheen, Prof. Geeddi ma shegin inta maalmood oo uu ku sugnaan doono Magaalada Muqdsho, khudbadiisa kadib ayaa waxa uu mar kale khudbad ka jeediyay Barxad weyn oo ka soo horjeeda Hotel Ramadaan.

 

Dhibaatada ugu weyn ayaa waxaa meesha ka soo gaartay Wariyaasha oo kala kulmeen Saraakiisha Ilaalada Wafdiga kala jiid iyo inay la dhacaan qoriyaha baadkooda, waxaana adkaatay in meesha uu Ra’iisal wasaaraha ku sugnaa loo dhawaado.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

SHACABKA MUQDISHO OO SI AAN HORE LOO ARAG MUQDISHO UGU SOO DHOWEEYAY WAFDIGA RA’IISAL WASAARE GEEDI

 

Somaliweyn.com ( Muqdisho 29 Abriil 2005)

 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa maanta si aan hore loo arag u soo dhoweeyay wafdiga Ra'iisal Wasaare Geedi oo isugu jira xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka ah, wafdiyo ka kala socda dalalka deeqda bixiya, IGAD iyo Jaamacadda Carabta, iyadoo inta badan waddooyinka waaweyn ee Muqdisho lagu arkayay dadweyne aan la qiyaasi karin oo subaxnimadii hore isu diyaarinaya inay Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa uga hor tagaan Garoonka Diyaaradaha No.50 isla markaana u soo galbiyaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo raxan raxan u kireystay Gawaarida Basaska xamaasadda ay u qabaan inay muddo 15-sano ah kaddib arkaan waxa ay tahay Dowladnimo iyo inay madaxda Dowladooda ku soo dhoweeyaan caasimada Soomaaliya.

 

Ka sokow diyaar garowga ay si iskood ah ugu dhaqaaqeen shacabka Muqdisho, waxaa iyana qabanqaabo isugu diyaariyay xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka horena u joogay Muqdisho, taasoo ka dhacday Hotelka Saxafi oo ay ku jireen inta badan xubnahaasi iyo xarunta Xisbiga oo maalmahanba fariisin u ahayd qoshuhuna ahaa in marka uu caasimada soo gaaro wafdiga ay halkaasi kula hadlaan xubnaha labada Gole iyo dadweyne si iskood ah isugu abaabulay oo xaruntaasi soo buux dhaafiyay.

 

Farxadda iyo xamaasadda ay u qabaan inay caleemo qoyan ku soo dhoweeyaan Ra'iisal Wasaaraha matalaya Dowladda ay shacabka Soomaaliyeed si weyn uga dhowrayaan inay ka dulqaado heeryada dulsaaran waxay sii ballaaratay kaddib markii ay meesha ka baxday cabsidii laga qabay inay lug jiidaan Ex-Hoggaamiye kooxeedyada hubeysan ee Muqdisho ku sugan, oo iyagu maalmihii la soo dhaafay si aan caadi ahayn u jebiyay Muraayadda qalbiga shacabka dhibaateysan mudada 15ka sano ah, kaddib markii ay Idaacadaha ka dacaayadeeyeen oo afkooda laga hayo hadalo aanu afkiisa qaban karin shaqsi mas'uul ka ah masiirka shacabka, waxayna arrintani horseeday inay reer Muqdisho ka war dhowraan madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo qaabka ay uga tallaabsan doonto turuntooyinka faraha badan ee horyaala.

 

Xubno ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Afhayeenka labada Gole ee Muqdisho ku sugan oo lagu magacaabo Cumar Xaashi Aadan, Yuusuf Indhacadde oo maamula gobolka Sh/hoose iyo kuwo kale ayaa siyaabo kala duwan uga muujiyay aragtidooda ku aadan soo dhoweynta Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo doorka ay ka qaadanayaan.

 

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Maxamed Qanyare Afrax kana mid ah hoggaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho ayaa sheegay in dhinacooda ay weligoodba ku baaqayeen in Dowladdu si toos ah u soo degto Muqdisho, isla markaana imaanshaha Ra’iisal Wasaare Geedi aanay sameyneyn wax macne ah, balse ujeedadu tahay in Dowladdu caasimada timaado oo ay ka howlgasho, isagoo dhaliilay in Dowladda Federaalka ay si KMG ah u sii degto magaalooyinka Jowhar iyo Baydhaba.

 

Md. Qanyare isagoo hadalkiisa sii qeexaya ayuu sheegay in nabadgelyo xumida laga faafinayo Muqdisho ay tahay dacaayad raqiis ah laguna doonayo in go’doon lagu geliyo, waxaana mar uu ka hadlayay howlaha nabadeynta ah ee ay baryahan wadeen meel fiican mareyso, taasoo uu sheegay in maleeshiyooyinka ay ururiyeen damaanad qaadayaan amniga Dowladda.

 

Cumar Xaashi Aadan oo ah Afhayeenka labada Gole ee Muqdisho ayaa sheegay inay diyaar garow weyn ugu jiraan sidii uga qeyb qaadan lahaayeen soo dhoweynta wafdiga Ra’iisal Wasaaraha labadii maalmood ee la soo dhaafay, wuxuuna tibaaxay in dib loo dhigay imaanshaha wafdigan darteed Seminaar loo soo gabagabeyn lahaa qaar ka mid ah hor joogayaasha maleeshiyooyinka Muqdisho, iyadoo dib loogu dhigay in Ra’iisal Wasaare Geedi Seminaakaasi soo xiro, isagoo ammaanay howlaha ay Muqdisho ka wadaan oo uu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee Muqdisho ay tahay mid la isku halleyn karo, balse waxaa soo dhoweynta wafdiga ka maqnaa Hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday ee kala ah: Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo Cusmaan Xasan Cali (Caato).

 

Guud ahaan jawiga magaalada Muqdisho waxa uu si weyn uga duwanaa sidii uu hore u ahaan jiray, sida soo dhoweynta Madaxweynihii hore ee C/qaasim Salaad, iyadoo waxyaabihii aadka iiga yaabiyay mudadii aan u kuur gelayay qaabka ay dadweynuhu uga qeyb qaadanayaan soo dhoweynta wafdiga ay ka mid tahay in la kala garan waayo dadweynaha oo isugu jiray kuwo wadada hareeraheeda taagan iyagoo wata caleemo qoyan iyo kuwo kale oo iyagoo Basas yar yar saaran ku sii jeeday Garoonka, waxaana maanta la kala garan waayay inuu shaqeynayo Gaadiidka isaga goosha Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.

 

Abaarihii 11:30 daqiiqo ayay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha No.50 mid ka mid ah Diyaaradii ugu horeysay ee wafdiga Ra’iisal Wasaaraha, waxaana ka soo degay cutubka ugu horeeya wafdiga oo uu hoggaaminayay Afhayeenka Madaxweynaha Yuusuf Baribari, oo markii uu soo gaaray xarunta Xisbiga mas’uuliyiinta iyo dadweynihii ku sugayay halkaasi mahad celin uga jeediyay sida aan hagrashada lahayn ee ay u soo dhoweeyeen, hase yeeshee ka gaabsaday inuu faahfaahin ka sii bixiyo ujeedada socdaalka iyo qorshaha safarkooda, wuxuuna sheegay inaanu isagu ka sii hor dhaceyn qorshaha imaatinkooda, oo uu sheegay inay si wadajir ah u shaacin doonaan.

 

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed ee ka soo kictimayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo watay saddex Diyaaradood, ayaa duulimaadkii labaad soo degay dhowr daqiiqo kaddib, waxaana wafdiga Diyaaradan hor kacayay C/raxmaan Diinaari, iyagoo markii ay gaareen xarunta Xisbiga si weyn uga mahad celiyay sida habsamida leh ee ay u soo dhoweeyeen dadka reer Muqdisho oo halkaasi iska xaadiriyay aroornimadii hore, wuxuuna Md. Diinaari sheegay inaanay wax qarsoomi kara ahayn sida ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho ugu hamuun qabaan nidaam Dowladeed oo mar kale ka curta dalka.

 

Muddo dhowr Saacadood ah kaddib waxaa xarunta Xisbiga soo gaaray qeybtii ugu dambeysay ee Wafdiga oo uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare Geedi, waxaana gudaha xaruntaasi is qabsaday sawaxan gilgilay dhismaheeda oo markii horeba ay dadku si aad ah ugu badnaayeen, hase yeeshee Ra’iisal Wasaaraha ayaa dabaqa kore uga sii gudbay goob loo diyaariyay inuu dadka kala hadlo, saxmiga dadka oo markii uu Ra’iisal Wasaaruhu soo galay xarunta si aad ah ugu sii qulqulayay gudaha xaruntaasi, isagoo dabaqa labaad ee dhismahaasi tegay si uu halkaasi khudbad kooban uga jeediyo dadweynihii cadceeda kuleylka badan u taagnaa maalin barkeed soo dhoweyntiisa, isagoo ugu horeyntii mahad celin ballaaran u jeediyay mas’uuliyiinta iyo dadweynihii sida xamaasadda leh u soo dhoweeyay, isagoo kaddibna yiri “Ma rabo inaan idiin sii dheereeyo wakhtiga faraha badan ee aad halkan igu sugeyseen, hase yeeshee ujeedada socdaalkeyga iyo qorshayaasha Dowladaba meel fagaare ah ayaan idinkaga sheegi doonaaâ€.

 

Inkasta oo wafdiga madaxda sare ee Dowladda Federaalka ay maanta ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan sababo ay ka mid tahay wakhtiga oo aad u yaraa awgiis, ayay hadana marka la macneeyo ka soo qeyb gal la’aanta soo dhoweyntooda saddexda hoggaamiye kooxeed ee Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo Cusmaan kana soo dhalaali waayay doorkii laga sugayay iyo sida ay uga gaabsadeen wufuuda inay uga waramaan xaalada Muqdisho ay u muuqataa mid fallaar ku ah hoggaamiye kooxeedyadan.

 

Marka la fiiriyo sida niyadsamida leh ee ay ugu farxeen Diblomaasiyiintii la socotay Ra’iisal Wasaare Geedi dadweynihii tubnaa laga soo bilaabo Garoonkii ay ka soo degeen ilaa xarunta Xisbiga ayaa iyadana muujineysa sida dadka reer Muqdisho ugu heelan yihiin helitaanka Dowlad soo celisa xasiloonida iyo kala dambeyntii dalku lahaa isla markaana Diblomaasiyiintu xaqiiqsadeen in kuwa Dowladda ka tirsan ee guryahooda hoosta ka soo xirtay ay afduub ku heystaan shacabkii faraha badnaa, hase yeeshee kooxahan maanta ayay dhammaatay ruwaayadii ay baryahan Muqdisho ka wadeen ee lagu qaldayay beesha Caalamka, maadaama ay soo xaadiri waayeen iyagoo isku sheegayay inay iyaga oo kaliya ka go’do masiirka caasimada dalka ee Muqdisho isla markaana ka mid ah Xukuumadda Federaalka ay soo dhoweyn waayeen mas’uulkii iyaga magacaabay ee mansab ahaan ka sareeya, hase yeeshee wixii jiraaba waa la ogaan doonaa saacadaha soo socda.

 

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

jabriil@journalist.com

 

 

Xafiiska somaliweyn ee Muqdisho

 

somoginfo@somaliweyn.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal wasaare Geeddi oo maanta si weyn oo aan horey loo arag loogu soo dhoweeyey Muqdisho(7-dii aroornimo illaa 2-dii duhurnimo oo la sugayay)

Muqdisho

 

 

Ra’iisal wasaaraha dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta saacadu markey aheyd 2:00 duhurnimo ka soo dagay dagay garoonka diyaaradaha No.50 ee Gobolka Sh/Hoose.

 

Wafdiga uu hogaaminayey ra’iisal wasaare Geeddi oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, beesha caalamka, Jaamacada Carabta, ururka Midowga Afrika, iyo urur goboleedka IGAD ayaa waxa kale oo ka mid ahaa safiirka dowlada Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdi Afey, afhayeenka ra’iisal wasaaraha C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari), afhayeenka madaxweynaha Yuusuf Bari-bari waxaana halkaasii si diirean ugu soo dhoweeyey dadweyne aad u fara badan oo tiradoodu kumanaan ay gaaareysay kana kala yimid gobolada Banaadir iyo Sh/hoose oo iyagu watay gawaari lagu qiyaasay illaa 200 oo isugu jira Basas iyo kuwa yar yar, ururada bulshada rayidka ah, Haweenka, iyo mas’uuliyiin sar sare oo ka kal tirsan xubnaha labada gole ee ku sugan magaaladan Muqsisho, ganacsato iyo siyaasiyiin, waxaana ka mid ahaa masuuli’yiintii halkaasii ku soo dhoweysey ra’iisal wasaare Geeddi iyo wafdigiisa gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha cadde) oo isagu maanta sugayey amaanka garoonka diyaaradaha ee No.50 iyo ganacsade C/rashiid Shirre Ilqeyte, waxaana uu raiiisal wasaare Geedi halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tisan ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana halkaasii muusikada astaanta Qaranka Soomaaliyeed ka garaacayey kooxda Baanbeyda ciidan ka Booliska Soomaaliyeed.

 

Kadibna ra’iisal wasaaraha iyo xubnihii la socday waxay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Muqdisho, iyadoo ay la socdaan boqolaal baaabuur isugu jira gawaarida loo yaqaan Tiknikada oo ay saaran yihiin maleeshiyooyin aad u hubeysan, intii ay wadada ku soo jireen ayaa waxaa waddooyinka hareerahooda safnaa daweyne aad u fara badan oo iyagu u soo baxay soo dhoweynta ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa waxayna ruxayeeen caleemo qoyan, waxaana markii danbe ra’iisal wasaare Geeddi iyo xubnihii la socday ay soo gaareen xaruntii hore xisbiga ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugayeen dadweyne kumanaan ruux gaaraya, ururada bulshada, Haweenka degmooyika G/Banaadir, ciidamada qalabka sida, iyo fanaaniinka Hobolada Qaranka Soomaaliyeed, oo iyagu tan iyo saakay halkaasi u taagnaa soo dhweynta wafdiga ra’iisal wasaaraha, waxaana uu halkaasi uga gacanhaatiyeydaweynihii halkaasii isugu soo baxa

 

Waxaa halkaasii hadalo soo dhoweyn ah ka soo jeediyey gudoomiyayaaasha G/Banaadir iyo Sh/hoose, C/laahi Xasan ganey Firinbi iyo Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade, hadal gaaban oo uu halkaasi ka soo jeediyay C/llaahi Firimbi ayaa waxa uu sheegay in dadweynaha G/banaadir ay ka xumaadeen markii ay maqleen in magaalo madaxdii Soomalaiya meel kale loo xawilay" anaga nafteena aadbaan uga xumaanay hadaanahay mas’uuliyiintii G/banaadir Mudane Ra’iisal wasaare, waxaana rajeyneynaa inaad noogu hiiliso sidii aan kuugu hiilinay iyo sidii aan kuugu soo banaanbaxnay" ayuu yiri C/llaahi Firimbi iyadoo dadweynihii halkaasi isug yimid sacabtumeen.

 

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay xidhibaan Cumar Xaashi Aadan oo isagu ku hadlayay magaca xubanaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, isagoo ugu horeyntiina sheegay inuu aad ugu faraxsan yihiin inay maanta ku soo dhoweeeyaan xarunta xisbiga "Mudane ra’iisal wasaare dadweynah ku nool G/Banaadir waxay in muddo ah ku howlanaayeen, ka shirayeen kana tashanayeen abaabulayeena sidii magaalada Muqdisho amnigeedii iyo kala dambeyntii iyo sharcigii ugu soo celin lahaayeen suuragalna ay u noqon laheyd in dowladda KMG ay ku soo dhoweeyaan arrintaasoo xubnaha labada gole ee Muqdisho ka jooga gacan ku siiyeeen" ayuu yiri xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay inay howshaasi hadda meel gabo gabo ah u mareyso

 

Ra’iisal wasaaraha dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi oo hadal gaaban halkaasi ka jediyey ayaa uga mahad celiyey daweynihii iyo mas’uuliyiintii kale ee sida diiran isaga iyo martidii la socotayba ugu soo dhoweeyeen magaaladan Muqdisho.

 

"Mas’uuliyiinta labada gole ee dowlada fedraalka ah ee Soomaaliya, masuukitiinta labada gobol ee Sh/hoose iyo Banaadir, ciidamada kala duwan, qeybaha bulshada oo ka kooban culumaa’udiinka, nabadoonada, Haweenka, ganacsatada, dhalinyarada iyo gaar ahaan fanaaniinta halkan nagu madadaalisay waad salaaman tihiin, Soomaalidu waxay tiraahdaa war nina si u dheh nina si u qaaday, wixii jira goob intaan ka balaaran oo aan aamin sanahay in diyaar loo yahay ayaan uga hadli doonaa siyaasada dowlada ee ku wajahan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho ee caasimada ah, waxaan ka cudur daaraneynaa soo daahida aan soo daahnay illaa xalay ayaad qaban qaabo ku jirteen illaa saakay iyo saacadaanba waad taagan tihiin, waan dareemayaa,waxaana u qaadanayaa soo dhoweyntaas Galkaceyl loo qabo dowlada aan Ra’iisal wasaaraha ka ahay, walaalayaal, mudaneyaal iyo Marwooyin waqtigoo kooban iyo idinkoo daalan iyo martida ila socota oo daalan,aniga hadaan doono 24 saac waan hadli karaa waana taagnaan karaaye waqti baan isu heli doonaa waxaana idin kaga mahad celinayaa hadaad tihiin mas’uuliyiin iyo shacbi kala duwanba soo dhoweynta qiirada badan ee aadnoo sameyseen, ee Qaranimo iyo walaatinimo, ee aad nagu soo dhoweyseen, shacbigaG/Banaadir waxaan u balan qaadayaa inaan goob fagaare ah uga soo jeediyo qorshihii iyo khudbadii aan ugu soo talo galay, waana mahadsan tihiin" ayuu yiri Prof. Cali Max’ed Geeddi oo intaasi ku soo gabo gabeeyey khudbadiisii.

 

Imaanshaha Ra’iisal wasaare Geeddi ayaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka tirsan hogaamiyeyaasha Muqdisho ku hubeysan, kana mid ah xukuumadda ra’iisal wasaare Geeddi aysan ka soo qeyb galin soo dhoweynta Geeddi, waxaana xubnaha maanta ka maqnaa goobta ay ahaayeen, wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afarax, Howlaha Guud iyo Giriyeynta, Cumsaan Xasan Cali (Caato), Ganacsiga, Xaaji Muuse Suudiy Yalaxow iyo wasiirka dhaqan celinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, lamana garanayo sababaha ay u maqnaadeen xubnahaasi.

 

waxaa isku soo duway, Garaad Salaad Xirsi iyo Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hoggaaminayey ra’iisal wasaare Geedi iyo xubnihii la socdey ayaa maanta si weyn oo aan la arrag loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

 

Gedi0.jpg

 

ProfGeedi.gif

 

Geedi1.jpg

 

April 29 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Aweys Foodeey. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta si weyn loogu dhoweeyey xarunta baarlamaanka Ex-xaruntii xisbigii hantiwadaaga ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kula Hadley dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiin ka qeyb qaadanayey soo dhoweynta ra’iisal wasaaraha, kuwaasoo saaka ilaa sagaalkii subaxnimo halkaasi isugu soo ururey.

 

Ra’iisal wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo soo dhoweyn weyn loogu sameeyey maanta xarnunta baarlamaanka Ex-xaruntii hore ee xisbiga, ayaa waxaa halkaasi ku sugnaa qeybaha kala duwan ee ururada degmooyinka gobolka Banaadir, ciidamada baan beyda oo garaacayey muustikada astaanta u ah calanka jamhuuriyada Soomaaliya, fanaaniinta qaranka, iyo dadweyne aad u fara badan oo qaarkood luxayey caleemo qoyan.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdulaahi Xasan Ganeey “Firimbi†oo ugu horeyntii ka Hadley soo dhoweynta ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in shacabka gobolka Banaadir ay balan qaadayaan nabadeynta caasimadda magaalada Muqdisho, ayna muujinayaan wanaaga iyo jaceylka ay u qabaan dowladnimada, isagoo ka codsadey ra’iisal wasaaraha inuu ugu hiiliyo shacabka sidii ay ugu hiiliyeen.

 

Waxaa kaloo munaasabadaasi ka Hadley guddoomiyaha Sh/Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cade†oo ka Hadley qaabkii ay u dhacdey soo dhoweynta ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Munaasabadaasi ayaa waxaa kaloo ka Hadley xildhibaan Cumar Xaashi Aadan afhayeenka xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka warbixiyey hawlaha ay labadda gole ka qabteen magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dadweynaha gobolka Banaadir ay ku hawlan yihiin dibu soo celinta ambnigii caasimada magaalada Muqdisho, iyo nidaamkii iyo kala danbeyntii, isagoo sheegay iney dadweynaha gacan ka helayaan xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Xidlhibaan Cumar Xaashi Aadan waxa uu intaa raaciyey in hawlaha u diyaargarowga sugidda amniga magaalada Muqdisho ay meel fiican mareyso, dhowaan maleeshiyooyinkana laga saari doono guddaha magaalada lana geyn doono xerooyin loo qoondeeyey, isagoo intaa raaciyey in barito loosoo gabagabeyn doono siminaar u socdey muddo saddex cisho ah.

 

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi oo isna munasabadaasi ereyo kooban kasoo jeediyey ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta weyn ee loo sameeyey.

 

Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in mar kale uu ka hadli doono siyaasadda dowlada federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan xaalada magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

 

Jimco, April 29, 2005(HOL)@19:00GMT: Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta duhurradii wuxuu ka soo degay garoonka No. 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo halkaasina uu ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolkaas Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde.

 

 

yuusf_indhacade.jpg

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo u badnaa Safiirro iyo Suxufiyiin Anjabi ah ayaa waxaa garoonka No. 50 looga galbiyay gawaari loo soo diyaariyay oo ay dhinacyada ka socdeen gaadiidka dagaalka oo aad u faro badan.

 

afeey.jpg

 

Sida uu HOL u sheegay Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Md. C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari waxaa wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Xubno ka ah Maxamed Cabdi Afey oo dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cali Cali Foam oo Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ku xigaanka Wakiilka Jaamacadda Carabta iyo safiirro kale oo uu ku jiro midka Aljeeriya, iyadoo sidoo kale uu wafdiga la socdo La Taliyaha Arrimaha Dibadda Ra’iisal Wasaaraha oo ah nin Ajnabi ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Daniel.

 

 

Sheikh Yusuf Maxamed Siyad Indhacade, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa intaas kadib si toos ah loo geeyay Xaruntii Xisbiga oo maalmahan Xarun KMG ah u ahayd Xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan, taasi oo ay ku sii sugayeen dadweyne aad u faro badan iyo xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood. Waxaa xusid mudan in ay soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ka baaqsadeen Wasiirrada kala ah Muuse Suudi, Cusmaan Caato iyo Maxamed Qanyare, waxayna warar aynu ka helnay dad ku dhow dhow mas’uuliyiintaas ay sheegayaan in ay qaarkood xanuuno qabaan, halka warar kalena ay leeyihiin waxay u imaan waayeen xurguf kala dhaxeysa Ra’iisal Wasaaraha oo aan la xalin darteed.

 

Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo isagu saakay ilaa maanta oo dhan aad isugu dubaridayay dadka degmooyinka gobolka Banaadir si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisal Wasaaraha ayaa Xarunta Xisbiga ugu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in shacabka Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ay ilaa saakay aroor hore u taagnaayeen sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen, isla markaana ay taasi muujineyso in ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan madaxdooda dowladda Federaalka, “Md. Ra’iisal Wasaare u sheeg Madaxweyne C/llaahi Yuusuf sidan oo kale ayay dadka Muqdisho diyaar ugu yihiin in ay soo dhaweeyaan ee yaanan Qaranka nalooga xawilin meel kale†ayuuna yiri Md. Firimbi oo ka codsaday Ra’iisal Wasaare Geedi in uu shacabkaas heeganka u ah uu ugu hiiliyo in Qaranka Soomaaliyeed caasimadda loogu keeno oo aanan meel kale laga geynin.

 

soo_dhaweyn.jpg

Safiirka Kenya u qaabilsan dalka Soomaaliya

Waxaa isna hadalkii qaatay oo cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ninka lagu magacaabo Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indho Cadde oo maanta sameeyay wax aan laga fileyn oo ahaa in uu si Qarameed u soo dhaweyn doono Ra’iisal Wasaare Geedi oo uu horay u sheegay in uusan u aqoonsaneyn Ra’iisal Wasaare Soomaaliyeed, hayeeshee waa siyaasad iyo xaalkeeda wuxuu Indha Cadde ku gaabsaday markii uu hadlayay “Waxaan nafteyda iyo Naftiina aan kula dardaarmayaa in Allaah laga cabsado, isla markaana aan dalkan la keenin dowlad faanjir ah, waayo dowlad faanjir ah Alle ayaa dalkan ka bur buriyay in ay u soo noqotana ma yeelayo, waxaanse idin leeyahay ku soo dhawaada magaalada waa magaaladiiniâ€.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa isguna halkaas ka hadlay, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha uga warbixiyay dadaalka ay labada gole ee Muqdisho ku sugan beryahaan wadeen, isagoo tibaaxay in howsha ay hayaan ay meel gebo gebo ah u mareyso, dhowaanna la xareyn doono maleeshiyooyin fara badan oo magaalada ku kala firirsan, kuwaasi oo saraakiishii tababari lahayd uu maalinta berri ah seminaar ugu soo geba geboobayo Xarunta Xisbiga, Ra’iisal Wasaarahana uu ka rajeynayo in uu u soo xiri doono.

 

 

Xildhibaan Cumar Xaashi waxaa uu intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay dowlad u heelan yihiin, isla markaana ay soo dhaweynayaan haddii ay u imaaneyso, “ku soo dhawaada magaalada Xamar iyo dadkeeda oo dowladnimo u hamuun qaba, wixii kale oo farsamo ah oo aad nagu biirineyso Md. Ra’iisal Wasaare waan kaa rabnaa†ayuu yiri Xildhibaan Cumar Xaashi.

 

Ugu dambeytiina waxaa hadalkii soo gunaanaday oo cod baahiya looga yeeray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo marka hore ka cudurdaartay soo daahitaankoodii, kadibna u mahadceliyay dadkii ilaa saakay u taagnaa soo dhaweyntooda, “Waxaan idiin ballan qaadayaa in aan meel fagaare ah kala hadli doono shacabka, markaasina aan faah faahin doono barnaamijka Xukuumadda guud ahaan, gaar ahaan midka Caasimadda Muqdisho†ayuuna ku gaabsaday Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay in wafdiga iyo dadka soo dhaweeyay labaduba ay yihiin kuwo daalan, isla markaana uusan hadal badan jeedineynin.

 

 

Si kastaba Arrintu ahaatee waxaa la dhihi karaa maanta si weyn ayaa magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyay Wafdigii uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Geedi, marka laga reebo Ex Hoggaamiye Kooxeedyadii Wasiirrada noqday oo iyagu markii noogu war dambeysay wax ka tirsanayay Ra’iisal Wasaaraha, waxaana soo dhaweyntan ka qeybqaatay Bulshooyinka gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose qeybahooda kala duwan, haddii ay ahaan lahayd Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin, Haween, Dhalinyaro, Fannaaniin iyo Caruur.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

I dont want to add anything in this thread apart my appreciation . On the other hand I want the Nomads in SOL paarticularly those who are the 'fadhi ku dirir' in politics section to note and be my witness in future that Duke has today quoted , copied and pasted wire news from the, in his own words previously, mis-guided media from Xamar, such as Dayniile and Hornafrik... smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

I dont want to add anything in this thread apart my appreciation

You are welcome dear brother. As for the misguided portals it took them a while to adgust to the reality that things are really changing.

 

Also how could I pass on such a moment when every Somali news portal is for once reporting the same thing. That in itself is progress ;)

 

It is a great day, the head of the cabinet and first minister came to Mogadishu the capital to tell the people one thing, the government is yours, it belongs to THE PEOPLE OF SOMALIA including those who reside in the once and future capital Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

who reside in the once and future capital Xamar.

Ok I understand the past and the future, which is the present capital then? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this