General Duke Posted January 12, 2008 R/wasaare Nuur Cadde oo kusoo fool leh dhawaan mag. Muqdisho Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 12-Janaayo-08 Raysal wasaaraha dowlada KMG ah Nuur Xuseen (Nuur Cadde) ayaa warar Baydhabo laga helay sheegayaan in maalmaha soo socda uu ku soo wajahan yahay Muqdisho . Raysal wasaare Nuur Cadde la sheegayo in xukuumadiisa oo idil la socdaan si ay Muqdisgho uga howl galaan ayaa la sheegaya in ay jiri doonaan kulamo wax garadka uu la qaadanayo . Wararku waxa ay intaa raacinayaan in Nuur Cadde kulamada la filayo in uu la qaato duqoowda Muqdisho looga hadlayo sidii gacan loo siin lahaa xukuumadiisa iyo wax ka qabashada amaanka Muqdisho . Safarkaani Nuur Cadde ayaa hadduu dhaco waxa uu noqnayaa kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado caasimada tan iyo markii loo magacaabay jakadadasi dhamaadkii sanadkii hore. Wararka qaardood ayaa sheegaya in safarka Nuur Cadde uu dhacayo maalinta isniinta ee soo socoto waxaana magalaada laga dareemaya arintaasi iyadoo ey socdaan diyaar garow balaaran . Xukuumada ayaa waxa ay ka kooban tahay 18 wasiir waxaana lagu wadaa in dhawaan ay guda galaan howsha hortaal. Cismaan Xasan Cali (Fantastic) ossmanfantastic@hotmail.com Calanka , Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 12, 2008 Baydhabo: RW Nuur Cadde iyo Wasiiradiisa ayaa ku sii jeeda Caasumada. 12. januar 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Raysalwasaaraha Dowlada Soomaaliya iyo Xukuumadiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya oo ah halka shaqadoodu noqoneyso. Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo wasiiradiisa intoo badan ayaa maalmaha soo socda tagaya Magaalada Muqdisho ,ayagoo halkaasi ka bilaabaya howlaha Xukuumada Cusub ,isagoo Raysalwasaaraha loo diyaariyey goobtii uu dagi lahaa. Waxa ayna sheegayaan Warar hoose in uu RW la kulamyo Waxgaradka iyo qof walboo Soomaaliyeed talana ku biiranaya Xukuumada Cusub ee Soomaaliya si ay wax uga qabato nabad ku soo celinta Magaalada Muqdisho. Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka iyo wasiirada udhashay Magaalada Muqdisho ayaa safarkooda ugu horeeya waxa ay ku tagayaan Magaalada Muqdisho ,ayagaa darsaya xaalada iyo cid dagaalameysa. Waxa ayna ka baaraan dagayaan sida ugu bahoon ee wax looga qaban karo nabad ku soo celinta Magaalada Muqdisho ,isla markaana Magaalada loola mid dhigilahaa Caasumadaha caalamka oo maanta meel fiican maraya. Raysalwasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa lasheegayaa in ay maalinta Isniinta tagayaan magaalada Muqdisho ,si ay markaasi udarsaan xaalada Muqdisho ,waxa ayna sidoo la kulmayaan Taliyaashi ciidamada kala duwan ee Magaalada jooga oo ay amaanka Caasumada kala sheekaysanayaan. Wafdiga Raysalwasaaraha ayaa soo dhaweyntooda siweyn looga dareemayaa Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayagoo hiigan sare la galiyay ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya si ay usugaan amaanka Wafdiga RW Soomaaliya. Dadweynaha Muqdisho ayaa siweyn isku diyaarinaya soo dhaweynta Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ah markii ugu horeysay ee uu tago Magaalada Muqdisho ,isagoo haya Jagada Raysalwasaarenimada Soomaaliya. Inkastoo ay jirto cabsi dhinaca amniga ah hadana Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dad isku qabanqaabinaya soo dhaweynta Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 12, 2008 Golaha wasiirada Cusub ee Xukuumadda Nuur Cadde oo manta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay Mogadishu Sabti, January 12 2008 SMC Xukuumadda cusub Ra’iisul wasaare Nuur Cadde ee dhawaan la soo dhisay ayaa manta kulankoodii ugu horeeyay yeeshay manta, iyadoo uu shir gudoominaayay Ra’iisul wasaare Nuur Cadde. Fadhigaan ay maantaq isugu yimaadeen golaha wasiirada cusub ee Xukuumadda Nuur Cadde ayaa uga hadlaya qodobo dhowr ah, iyadoo kulankaan oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeesheen golaha wasiirada cusub tan iyo markii la ansixiyay xukuumadaan. Golaha Wasiirada ayaa ajandooyin dhowr ah fadhigooda maanta uga hadlaya arrimo ay ka mid yihiin sidii xukumadu ugu shaqeyn lahayd magaalada Muqdisho, iayadoo ilaa iminka uu soconayo kulanka golaha wasiirada eek u shiraya Magaalada Baydhabo. Ra’iisul wasaare Nuur Cadde ayaa Golihiisa wasiirada maanta hor dhigaya qrshayaashii ay xukumadiisu ku howlgeli lahay, iyadoo uu horay u sheegay inuu ka shaqeyn doono arrimaha dib u heshiisiinta eek u aadan sidii kooxaha Mucaaradka loogu soo dabaali lahaa sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dib u heshiisiinta. Dhinaca kale ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay fadhiga golaha wasiirada cusub oo uu weli shirkooda u socdo, iyadoo saxaafadu ka war dhowrayso waxyaabaha ka soo baxa shirkaas. Somaliweyn Media Center “SMC” Quote Share this post Link to post Share on other sites