Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland oo la kulmay gudoomiyaha Maxkamadda Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Itoobiya u qaabilsan Somaliland Amb Delil Kedir Bushra, kaasi oo booqashadiisii koowaad ku yimid Maxkamadda Sare.

Ujeedada booqashadan ayaa daarnayd is-barasho maadaama safiirku ku cusub yahay safaaradda iyo xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dawladood ay wadaagaan, gaar ahaan wada shaqaynta baaxada leh ee ka dhaxaysa Garsoorka labada dal, waxaanay Guddoomiyaha iyo safiirku hoosta ka xarriiqeen sida ay muhiimka u tahay joogteynta iskaashigaasi soo jireenka ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this