Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudur naadir ah oo laga qaado shimbiraha oo laga helay dalka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeneey u dhalatay Shiinaha ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay oo u dhinta nooc cusub oo ka mid ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunkan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn dadka.

Haweeneyda u dhimatay cudurkan ayaa aheyd 56-jir kasoo jeedda gobolka Guangdong ee koofurta Shiinaha. Waxay aheyd qofki saddexaad ee laga helay cudur-sidaha H3N8. Sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay WHO.

Shiinaha waxa uu caan ku yahay cudurrada laga qaado shimbiraha. Sida ay wararku sheegayaan, haweeneyda u dhimatay xanuunkaan ayaa booqatay suuq lagu iibiyo shimbiraha oo ah suuq qoyan.

PUNTLAND POST

The post Cudur naadir ah oo laga qaado shimbiraha oo laga helay dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this