Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Garoowe oo dhibbane u noqotay maandooriyaha Khamriga

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo lagu jiro tobanka danbe ee bisha Ramadaan ayaa xaddiga isticmaalka khamrigu heerkii ugu sarreeyay ka gaaray magaalada Garoowe.

Xogo kala duwan ayaa xaqiijinaya in todobaadkan uu khamrigii ugu badnaa uu soo galay Garoowe islamarkaana saamayn maskaxeed ku yeeshay dhalinyarada da’yarta ah.

Kororka Isticmaalka khamriga ayaa sidoo kale saamayn taban ku keenay amniga caasimadda Garoowe sida ay wararku sheegayaan.

Kooxaha abaabulan ee lala xiriirinayo maandooriyaha khamriga ayaa habeenkii falal amni-darro ka sameeyay xaafadaha Garoowe.

Booliska oo dhankooda habeenkii hawlgallo ka sameeya Garoowe weli ma soo bandhigin wax natiijo ah oo laga gaaray arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Magaalada Garoowe oo dhibbane u noqotay maandooriyaha Khamriga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this