Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo aqoonsatay ciddii ka danbaysay weerarkii Al-Macruuf Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1681374813704.jpg?resize=720%2C48

Hay’adaha Amniga ayaa aqoonsaday ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda Almacruuf ee Boosaaso sida ku cad warbixin uu daabacay Booliska Puntland.

” Hay’adaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee
ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu
dhaqsaha badan” ayaa lagu yiri Warbixinta.

Halkaan ka akhriso Warbixinta oo dhan

Bosaaso: 13 Apr 2023:Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire oo ka qayb galay shirka amniga Gobolka Bari oo Todobaadkan looga hadlay howlgadii amni ugu danbeeyay ee lagasameeyay Gobolka Bari.

Shirka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha gobolka Bari,Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka,Duqa degmada boosaaso,Taliyaha ciidanka Daraawiishta,Taliyaha nabadsugida,wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo saraakiil kale.

Shirka ayaa laga soosaaray qodobadan hoos ku xusan.

1. Guddiga Amniga marka hore wuxuu ka tacsiyeynayaa, xanuunka la
qaybsaneynaa qoysaskii ay ka baxeen labadii muwaadin ee ku shahiiday falkii
argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda ganacsiga Al-macruuf ee magaalada
Boosaso taariikhdu markey ahayd 5
th April, 2023, sidoo kale waxaan xanuunka la
qaybsaneynaa guud ahaan ganacsatada gaar ahaan maamulka, mulkiilayaasha
iyo shaqaalaha Shirkadda ganacsiga Al-macruuf oo argagixisadu ay xoolahoodii
gubtay falkaas oo ahaa fal ku cusub deegaanada Puntland laguna banaystay
dhiiga iyo maalka Muwaadiniin Soomaaliyeed.

2. Guddiga Amniga Dawladda Puntland wuxuu dardargalin iyo xoojin amino ka
bilaabay guud ahaan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso si argagixisada
looga sifeeyo gacantana loogu soo dhigo kuwii fuliyey falkii waxashnimada ahaa
ee lagu beegsada shirkadda ganacsiga Al-macruuf xarunteeda Bosaso.

3. Hayádaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee
ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu
dhaqsaha badan.

4. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa Maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha
shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay’addaha amniga
Puntland ee ka hawlgala magaalada Bosaso, si ay ula wadaagaan wixii culays
amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalohooda.

5. Gudsiga Amnigu wuxuu farayaa shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan
habka amnigooda gudaha sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka
qarsoon(CCTV), sidoo kale waa iney dab-damis u sameyaan xarumoohada.

6. Guddiga Amnigu wuxuu ogaysiinayaa Shirkadaha isgaarsiinta iyo lacagaha
danabaysan (electronic money) ee aan u marin hab sharci ah markii ay
muwaadiniinta u furayaa lambarada iyo akoonada lacagaha danabaysan lagu shubo in laga qaadi doono tallaabo sharci, sidaas awgeed shirkaddii lagu helo inay
furtay lambar iyo akoon aan waafaqsanayn habka u degsan ganacsi ama lagu ogaado inay la macaamishay shaqsi argagixiso ah, waxaa Dawladdu ka qaadaysaa tilaabo sharciga waafaqsan, waxayna qaadayaan masuuliyadda dadkii iyo ganacsatadii lagu dhibaateeyey lambarada iyo akoonada ay u fureen
argagixisada.

7. Hay’adaha Amniga Puntland waxay diyaar u yihiin iney si dhow u la shaqeeyaan
shacabka, kana qaataan wixii xog amni ah ay soo gudbiyaan, shacabka waxaa
laga codsanayaa iney kor u qaadaan heerka feejignaanta, xiriirka iyo
wadashaqaynta ay la leeyihiin Hay’addaha amniga Puntland.

The post Puntland oo aqoonsatay ciddii ka danbaysay weerarkii Al-Macruuf Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this