Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dhaawacii Djibouti loo Qaaday ee Qaraxyadii Hargeisa oo soo Bogsaday

Recommended Posts

Dhaawac%201.JPG

Dhaawac%202.JPG

Dhaawacii.JPG

Dhaawac%203.JPG

 

Waxaa galabka Gegida Egal International Airport ee magaalada Hargeisa ka soo degay Dhaawacii loo qaaday dalka Djibouti ee ku dhaawacmay qaraxyadii 29 October 2008 lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada, Safaaradda Itoobiya iyo UNDP.

 

Dhaawacan oo cagahooda ku soconayey marka laga reebo weriye ka tirsan Telefiishanka SLSpace oo isagoo kaban diyaaradda laga soo dejiyey, dhawaacan waxaa ka mid ah soo bogsaday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Abokor Sulub oo isagoo lugihiisa ku soconaya ka soo degey diyaaradda, isagoo saxaafadda u sheegay in si fiican loo soo daaweeyey caafimaadkiisuna aad u wanaagsan yahay, cusbitaalka Faransiiska ee Dalka Djiboutina lagu daweeyey, sidoo kale wuxuu si aada ugu mahad naqay madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo uu ku tilmaamay inuu kaalin aad u muhiim ah ka qaatay sidii dhaawacii Qaraxyadii Somaliland ka dhacay ay u heli lahaayeen daawayn sare.

 

Sidoo kale waxaa dhaawacan la Socday Dr. Axmed Buuxane oo ah dhakhtarkii sida gaarka ah gacanta ugu hayey dhaawacan oo Dalka Djiboutina u raacay, dhakhtar Buuxane ayaa saxaafadda u sheegay in dhaawacani ay xilligan aad u soo caafimaadeen xaaladooduna wanaagsan tahay, wuxuuna si aada ugu mahad naqay xukuumadda dalka Djibouti oo uu sheegay in si heer qaran ah loo gacan qabtay loona soo dhoweeyey, dhinaca kale wuxuu si aada u hambalyeeyey madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

 

Dhaawacan xilligan dalka dib ugu soo noqday waxaa magaalada Hargeisa laga duuliyey maalin ka dib qaraxyadii ka dhacay Hargeisa, ka dhib markii xukuumadda dalka Djibouti u fidisay gargaar Caafimaad, iyadoo diyaarad gaar ah lagu qaaday bukaankan, sidoo kale waxaa tacsi iyo fulin mashaariiceed dhawaan Somaliland u yimi wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Djibouti.

 

Arrimahan ayaa muujinaya xidhiidhka isa soo taraya ee waayadan ka dhexeeya Djibouti iyo Somaliland iyada oo isu soo dhowaanshahan uu albaabka markii u horraysay u furay safarkii Madaxweyne Rayaale ku Tegey Djibouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this