Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ka dhex taagan urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaaf ayaa ka dhex taagan urur siyaasadeedka Mideeye sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan ururkaas.

Laba xubnood oo kamid ah as’aasayaasha urur siyaasadeedka Mideeye ayaa warqad ay u qoreen guddiga KMG doorashooyinka Puntland waxay ku caddeeyeen khilaafka jira.

Xubnahan ayaa ka codsaday guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland in uu go’aan ka gaaro sharciyadda iyo jiritaanka ururka Mideeye maadaama khilaaf hareeyay ururka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in khilaafkan ka yimid kadib markii guddoonka ururka iyo golaha dhexe oo mudda xileedkoodu dhammaaday ay soo gudbiyeen liisas aan heshiis lagu ahayn.

IMG-20230412-WA0001-1.jpg?resize=960%2C1 IMG-20230412-WA0000-1.jpg?resize=960%2C1

PUNTLAND POST

The post Khilaaf ka dhex taagan urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this