Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ciidamada Xoogga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
XASAN-12.png?resize=770%2C387&ssl=1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan 12-ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Waa maalin ku asteysan sanadguuradii la xusay ayadoo halgaln lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse  lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada”

Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkan munaasabaddan ay ka duwan tahay kuwii hore oo ay kusoo aadday waqti aad muhiim u ah, wuxuuna sheegay in sanadkan lagu xusayo dagaal, dib u xoreynta dalka soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooduba mar kale ugu hambalyeeyay xuska 12-ka April, wuxuuna xusay in taariikhda ay maanta samaynayaan Ciidanka ee la dagaallanka khawaarijta ay tahay mid qormayso lana xusi doono.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ciidamada Xoogga dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this