Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic culus oo saaka ka dhacaysa furimaha dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1681278459238.jpg?resize=720%2C38

Dhawaqa hubka culus ayaa saaka oo Arbaco ah laga maqlaya furimaha dagaalka magaalada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland iyo ciidamada degaanka ee SSC-Khaatumo ayaa sida la sheegayo is weydaarsanaya madaafiic.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda saaka laga maqlayo jiidda Laascaanood islamarkaana labada dhinac midna weli kama hadlin.

Labada dhinac ayaa sidoo kale samaynaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka duwan sidii hore waxaana saacad kasta la filan karaa dagaal toos ah.

PUNTLAND POST

The post Madaafiic culus oo saaka ka dhacaysa furimaha dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this