Sign in to follow this  
General Duke

Haji Abukar Umar Cadaan makes deal with TFG

Recommended Posts

Muqdisho: Raysalwasaare Geedi iyo Sheekh Abuukar Cumar Cadaani oo soo gaaray Muqdisho shirna la leh Madaxweynaha Jamuuriyada Somaaliya.

10. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi iyo qaar ka mid ah Ganacsato siweyn looga yaqaano Soomaaliya.

 

Wafdi uu hogaaminayo Ra`iisul wasaare Geeddi ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ,waxaana xubno ka ah Wafuudan Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan iyo Ganacsato kale.

 

Wafuudan waxa ay kulamo la leeyihiin Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayadoo shirkaasina ay fadhiyaan qaar ka mid ah ganacsatadii gacansiijirtay Maxkamadihii dalka laga saaray.

 

Kulankaan ka socda Vila Soomaaliya waxaa sidoo kale jooga wafuud ay ka mid yihiin Ganacsade Bashiir Raage Shiraar iyo Xaaji Xuseen Cagey oo dhamaantood ka mid ah ganacsatada siweyn looga yaqaano guud ahaan Soomaaliya taageerayaal fara badana ku leh Magaalada Muqdisho.

 

Wararka ka soo gaaraya AllPuntland magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in lafilayo in saacadaha soo socda Muqdisho uu soo gaarayo Ganacsade Maxamed Deylaaf ,waxaana lafilayaa dhamaanba ganacsatadan in ay ka qeybqaataan nabad ku soo celinta magaalada Muqdisho.

 

Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa maalmihii ugu danbeeyey joogey dalka Jabuuti wuxuuna la kulansanaa ganacsatadan soo gaartay maanta magaalada Muqdisho.

 

Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa wada heshiisyo ay la galeyso dadka sida weyn ay utaageersan yihiin dadka Muqdisho si loo joojiyo nabad ku soo celinta magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Cadaani & Prof. Geedi oo Muqdisho soo gaaray

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 10-Sebtember-2007

 

Wafdi uu hogaaminayo ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane Cali Maxmed Geedi oo ey ka mid yihiin ganacsato iyo xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka sida Maxamuud Cumar Cadaani, Bashiir Raage Shiiraar iyo xubno kaloo bdan ayaa saakay kasoo dagay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan oo sida la sheegay kasoo duulay magaalada Djabouti ayaa waxa ey iminka wadahadalo kula leeyihiin xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Prof. Geedi iyo ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa mudooyinkan danbe waxa ey wadahadalo uga socdeen dalka Djabouti, waxaana sida la xaqiijiyay wadahadaladaasi kusoo dhamaadeen is afgarad iyo guul taasoo keentay in ey usoo baqoolaan dhinacaas iyo magaalada Muqdisho.

 

Xaaji Abuukar Cadaani iyo walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaani ayaa waxa ey ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka ee dalka laga saaray dhamaadkii sanadii hore (2006), waxaana ey ka mid ahaayeen ganacsatadii sida aadka ah maalkuudu ugu dagaal galeen Maxkamadihii Islaamka, dagaalkaasoo ey kula jireen hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ee la baxay magicii "Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada"

 

Si kastaba ha ahaatee imaatinka xubin ka mid ah reer Cadaani islamarkaana ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka magaalada Muqdisho ayaa ah mid dowladda federalku ku guuleysatay in ey kala qey-qeybiso xubnihii Maxaakiimta isla markaana heshiisyo la gaarto inta ey u arkaan in ey wax ka geysan karaan nabad kusoo dabaalidda caasimadda Muqdisho.

 

Xaaji Abuukar Cadaani, walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaani iyo wiil uu dhalay Xaaji Abuukar ayaa waxaa ey ka mid ahaayeen xubnihii horay u raacay Maxkamadihii Islaamka dhinacaas iyo Kismaayo, walow maalmo kadib ey isu dhiibeen boliska dalka Kenya si ey uga badbaadaan dagaaladii laguna jiray Maxkamadihii Islaamka.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi iyo ganacsato caaan ah oo Muqdisho gaaray.

Last Updated::2007-09-10 08:57:33

 

Muqdisho (HRNet):- Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi oo ay wehliyaan qaar ka mid ah ganacsatadii uu kula shiray dalka Djibouti, ayaa saaka aroor horey gaaray magaalada xarunta ah ee Muqdisho, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

 

Cabdullaahi Muxiyadiin Maxamed Codka, ayaa sheegay in socdaalka Geedi ay ku wehliyeen ganacsato ay isku beel yihiin, oo ay ka mid yihiin Ganacsade Injineer Eenow iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar.

 

Sida uu sheegay Mr. Codka, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa sidoo kale la filyay inuu soo raaco ganacsade weyn ee Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, hase yeeshee waxaa uu u baaqday sababo caafimaad.

 

Geedi, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport kusoo dhoweeyay, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladad Somalia.

 

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu joogay dalka Djibouti waxa uu wada hadalo kula soo yeeshay Madaxda dalkaasi iyo ganacsade xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ah maal geliyihii ugu weynaa ee Maxkamadaha Islaamiga ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi oo heshiiyay la galey ganacsade Abukar Cadani

10 Sep 10, 2007 - 6:51:36 AM

 

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa saakay aroornimadii ka soo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ka soo laabtay safar dhowr maalmood ah oo uu dalka Jabuuti kula kulmayey madaxda Jabuuti iyo qaar ka tirsan xubnihii Maxkamadaha.

 

Geeddi ayaa Jabuti kula kulmay xubno uu horkacayey Ganacsade Xaaji Abukar Cumar Caddaan oo ah maalgalayihii ugu weynaa ee Maxkamadihii Islaamiga ee firxaday iyagoo ka wada hadlay sidii loo gaari lahaa dib u heshiisiin iyo isu soo dhowaansho dhex marta dowladda Federaalka iyo xoogaga ka soo horjeeda.

 

Dhinaca kale kulanka Raa'isla wasaaraha iyo Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan ayaa waxaa goob joog ahaa Eng. C/qaadir Eenow, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinow, Ganacsade Iimaan Maxamed Cali, Eng. C/qaadir Maxamed Cosoble oo isku reer ah iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo xubin ka ahaa isbaheysigii Argagixiso.

 

Bashiir Raage iyo ganacsade Abuular Cadaani ayaa waxa dhexmarey dagaalo lagu hoobtey kuwaas oo ka dhacey deegaanada Ceel Macaan, Ceel Cadde, Galgalato.

 

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ahaa ninkii gacanta ku hayey dekadda dabiiciga Ceel Macaan ayaa sheegay inuu kulankan ku faraxsan yahay uuna soo dhoweynayo iyadoo uu ku laaban doono magaalada Muqdisho oo uu ka barakacay xilligii dagaalada isagoo intaa raaciyay inuu diyaar u yahay isu soo dhawaansho iyo heshiis dhex mara dadkii ay wax kala gaareen.

 

Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar ayaa isna dhankiisa ka sheegay in kulankani uu yahay mid bilow fiican u ah heshiiska labada ganacsade iyo beesha ay ka wada dhashen isagoo sheegay in uu aad u soo dhoweynayo iyagoo si wada jirna ugu mahad celiyay kaalinka uu ka qaatay dib u heshiisiintan Ra'iisul Wasaare Geeddi.

 

Xubnahaan ayaa intooda badan horey u soo raaceen Ra'isal Wsaare Geedi halka Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ay isu soo raaci doonaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo iminka ku sugan Yamen.

 

Heshiiska xubnahan ayaa guul u ah Geedi kadib markii Maxaakiimta uu kala soo baxey intii badneyd xubnihii kaga jirey beeshiisa.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gheedi is ready in preparation for post-TFG. He seems to have led his sub-clan in taking the best advantage of the TFG and Somalia's present situation. From Maxamed Dheere to Dhagaxtuur, Bashiir Raage to Cadaani, he brings to have brought unity and coherency never before seen in that specific group. If rumors do come true, Ceel-Macaan is once again undergoing preparation to to be used as clan rival to Mogadishu's national port.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

looooooooool@Reer Caddaani,....kuwa ka mid ah iyaga oo Casmara joogana Cidda toloow mallaga saaray. Atleast one of his sons is there according to someone there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool. Abwan none of the Cadaan's are in Asmara, the Haji has made the deal. His deputy Mohamoud flew in and met the president.

 

Horn, Geedi has a right to fix his onw house otherwise how could he ever compete with Yusuf who has the support of his whole sub-clan forget the inter family.

 

JB: Calanks is not a Puntland site, its cloose to reer Cadaan..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this