Sign in to follow this  
Deeq A.

“Maantana waxay ku talinayaan dib-u-habeeynta Ciidamada Booliska ee dalka aan diidno oo micnaheedu yahay duurka aan galno ama qalalaase aan abuurno..”

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraalkan Waxaa qoray Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar:

Waxa inoo diiday inaynu aragtina ku soonno aragtina ku afurno ee maalin walba taalloo aan soo socon dusha inoo saaray maaha bulshadeena oo gaarad hooseeysa ee waa damiimiin iyo danleey ka il heshay shacab horay loo argagixiyay oo masiibaa soo socota lagu didsado; maalin walbana masiibo horleh u hindisa.

1. Shalay markii xisbi Qaran lagu midoobayay waxay ku taliyeen waan baa’baynaa ee yaan la yeelin. Maanta waan ognahay sida wax ahaan jireen iyo farqiga u dhaxeeya markii xisbi Somali ku sheeg ah oo macag u yaal ah uu jiray iyo marka miiskii taladda dalka qowmiyadihii kale lala fadhiistay dhanka ismaamulka, xuquuqul-Insaanka, iyo saamiga siyaasadda dalka.

2. Shalay markii dagaalka Waqooyigu biloowday waxay ku taliyeen aynu falaagada garab istaagno oo dhankeena ka dumino nidaamka dalka ka jira sidii iyadoo inaga inagu xidhan tahay dumintu. Maanta waynu ognahay meeshay arintaasi ku dhamaatay iyo cawaaqib kii ka dhalan karay haddaynu jibbadii Somali Resistance Force dhinac ka raacno. Halaag kale ayaynu hubsiimo kaga badbaadnay.

3. Maantana waxay ku talinayaan dib-u-habeeynta Ciidamada Booliska ee dalka aan diidno oo micnaheedu yahay duurka aan galno ama qalalaase aan abuurno. Taasna iyagoo indhahoodu shan yahay ayaa laga gudbi, dadkuna arki doonaan wax la baa’biyay iyo wax kala tagay, iyo amni deegaan oo cid kale gacan u galay inuuna jirin. Iyana bari ayay shalay noqon doontaa ooynu dib u milicsan doonaa ee “Ninkii cadho la soo sooyaamayoow, samirka maad dhowrtid”?

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this