Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa isugu yeeray diblomaasiyiinta ku sugan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1681242196379.jpg?fit=720%2C480&s

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblumaasiyiinta ka howlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soo dhaweynta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ah ay ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya oo haatan heer wanaagsan maraya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankii caawa ku soo bandhigay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo maanta booqasho laba maalin ah ku yimid Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna kulankoodii kadib qabteen shir jaraa’id.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa soo bandhigay iskaashiga labada dhinac ee dagaalka ka dhanka argagixisada, arrimaha bini’aadannimada iyo la tacaalidda saameynta isbaddelka cimillada.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo dowlad-dhiska, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka.

Intaas kadib, Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu maanta u safray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, wuxuuna booqday xeryo barakac oo ku yaalla daafaha magaaladaas, si xaaladda nololeed ee qoysaska danyarta ah uu ugu kuur-galo.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarkiisa Baydhaba u raacay António Guterres, wuxuuna wafdigaas galabta ku soo laabtay Muqdisho oo caawa uu ku hoyanayo Xoghayaha Qaramada Midoobey.

Dhammaan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa u xiran joogitaanka António Guterres, wax gaadiid ah laguma dhex wada karo magaalada, halka meelaha qaar la diidayo dadka lugeynaya, waxaana lagu wadaa in berri uu Muqdisho ka dhoofo Xoghaye António Guterres.

FB_IMG_1681242359284.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242316946.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242287561.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242279495.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242265862.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242257414.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242250291.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242235401.jpg?resize=696%2C38 FB_IMG_1681242209129.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242203170.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681242196379.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa isugu yeeray diblomaasiyiinta ku sugan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this