Cowke Posted July 30, 2010 DEG DEG: Mudaaharaad Maalintii Labaad Ka Socda Hargeysa Hargeysa (RBC) Dadweyne careysan oo ka soo baxay xaafadaha magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa maalintii labaad dibadbaxyo ka dhigaya wadooyinka Hargeysa iyagoo ka careysan qaabka loo dhisay xukuumada cusub ee madaxweyne Axmed Siilaanyo. Dadweynahan oo ka kala yimid qeybo kala duwan oo magaalada Hargeysa ka mid ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada iyagoo gubaya taayarada baabuurta isla markaana ku qeylinaya ‘dooni meyno dowlad caddaalad darro ah”. Waxa la arkayey dadweynaha qaarkood oo sita calanka Soomaaliyeed ee Buluuga ah xiddigta cadna dhexda ku leh kuwaasi oo socod ku maraya wadooyinka. Dadka mudaaharaadaya ayaa u badan dhalinyaro iyo haween inkastoo ay ku jiraan odayaal waaweyn oo reer Hargeysa ah. Qaar ka mid ah dadka mudaharaadaya ayaa sheegay inaysan ku qancin qaabkii loo soo xulay golaha wasiirada cusub ee dowlada Axmed Siilaanyo ee la magacaabay labo maalmood ka hor kuwaasi oo ay sheegeen in beelo gaar ah ay qaateen. “Waxaa laga tegey beelo ka mid ah kuwa Somaliland oo xaq ku leh dalkan, waana xaq darro midaasi. Siilaanyo wuxuu la soo baxay xagjirnimadii horey loogu yiqiinay. dooni meyno. dooni meyno”, ayuu yiri mid ka mid ah dadka dibax baxa sameynayey. Ciidamada Somaliland oo isugu jira kuwa booliska iyo militariga ayaa lagu daad gureeyey xaafadaha iyo waddooyinka dibad baxyadu ka socdaan, waxaana la maqlayey rasaas loo adeegsaday mudaaharadayaasha oo ay ridayeen ciidamada. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 1 ruux dhaawaciisa la geeyey isbitaalka ka dib markii ay rasaastu haleeshay. Waxayna ciidamadu amreen in la joojiyo dibad baxa ay wadaan dadka careysan. Waxaa xusid mudan in dibadbaxu markii hore uu ku bilawday hab nabadeed, balse y xaaladu isbedeshay markii ciidamadu bilaabeen rasaasta ay ku fureen dadweynaha. Maalintii shaley ayaa dibadbax kan la mid ah wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada oo ay ka mid tahay degmada Axmed Dhagax halkaasi oo labo ruuxi ku dhaawacantay ka dib marki rasaas ay u adeegsadeen ciidamadu. Xukuumada Somaliland ayaan wax hadal ahi ka soo saarin dibadbaxan oo maalintii labaad ka soconaya magaalada Hargeysa laguna diidan yahay qaabka uu madaxweyne Axmed Siilanyo u soo xulay xukuumada cusub oo dad badani oo qabiilada Somaliland ka tirsani ay aaminsan yihiin in xuquuqdii ay ku lahaayeen dowlada ee wasaaradaha la duudsiiyey. RBC Radio Xafiiska Wararka Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites