Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Pirate state: clan clashes in the karkaar region

Recommended Posts

Qardho:Dagaal beeleed ka bilowday gobolka Kaarkaar & Isimada Puntland oo ku baaqay in xaalada la joojiyo.

27. juni 2010

 

 

Qardho:(Allpuntland)-Waxaa deegaanka Uur-jire oo hoostagta degmada Rako ee gobolka Karkaar markale ka bilowday dagaal beeleed u dhexeeya beelo walaalo ah oo wada dega gobolka Karkaar ee Puntland,beelahaan oo dhowr jeer oo hore dagaalamay ayaa waxaa uu dagaalkoodu ku salaysanyahay isku qabqabsay lahaanshaha dhul Daaqsimeed ay ceelal biyood kamid yihiin.

 

Dagaalkan u dhexeeya labadan Beelood oo shalay gelinkii danbe bilowday ayaa ay khasaarihiisu yartahay,waxaana maamulka gobolka Karkaar ee dawlada Puntland qaarkatirsan saraakiishooda dhanka amaanku ay APL u sheegeen in ay halkaas ciidamo kala dhexdhigeen islamarkaasna ay imika xaaladu ku dhowdahay inay caadigeedii kusoo laabato islamarkaasna ay dhamaadaan waxyaabahaya yar yar ee jira.

 

Saraakiisha Amaanka ee gobolka Kaarkaar waxay ku baaqeen in labadan beelood ee walaaha ahi ay xaalada caadi kusoo celiyaan,waxayna Isimada Puntland ka codsadeen in si deg deg ah ay beelahan u dhexdhigaan heshiis ay ku kala nabad galaan kadib markii ay burbureen kuwo horay ay uwada gaareen.

 

Dhanka kale Isimada Puntland ayaa ku baaqay si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedkan soo noqnoday oo u dhexeeya beelahan Ul & diirkeeda isku ah,waxayna isimadu ku baaqeen in la ilaaliyo wada degenaanshaha & Walaaltinimada u dhaxaysa labadan beelood & guud ahaanba dadka reer Puntland oo ay beelahani ku abtirsadaan.

 

Waxaa si gaar ah dagaal beeleedkan ugu hadlay Boqortooyada beelweynta puntland,iyadoo Boqorka beelaha puntland Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo xafiiskiisu arintan ka hadlay uu ku baaqay in si deg deg ah xaalada loo dejiyo islamarkaasna ay beelahan u hogaan samaan xabad joojin deg deg ah oo uu Boqorku ku baaqay,wuxuuna sidoo kale Boqorku sheegey in la fuliyo laguna dhaqmo heshiisyadii horay ujiray.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this