Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guterres? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1681199425663.jpg?fit=1080%2C720&

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada qaranka kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo saaka booqasho kusoo gaaray magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

Waxaa kale oo uu dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta dalka kusoo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo shaaciyay inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga mahadceliyey António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Dhankiisa Xogahayaha Guus QM ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

António Guterres ayaa xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.

Waa booqashadiisii labaad ee uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kusoo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna horay u yimid sanadkii 2017-kii, isagay oo markaas booqday xeryo ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha.

FB_IMG_1681199440601.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681199433444.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681199430904.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681199428217.jpg?resize=696%2C47 FB_IMG_1681199425663.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681199423210.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681199421223.jpg?resize=696%2C48 FB_IMG_1681199419206.jpg?resize=696%2C47

 

The post Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guterres? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this