Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka iyo Ukraine oo is dhaafsaday in ka badan 200 oo maxbuus

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka iyo Ukraine ayaa isweydaarsaday in ka badan 200 oo maxaabiis dagaal ah maalinimadii Isniinta, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay sii daysay 106 askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka, halka agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Ruushkuna sii daayey 100 maxbuus oo ay hayeen.

Agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay barta Telegram, in qaar ka mida maxaabiista Ukraine ee la sii daayey inay qabaan dhaawacyo aad u xun iyo weliba xanuuno kale.

Labada dhinac midna ma bixinin faahfaahin intaas ka baxsan, iyo weliba habka loola kala wareegay maxaabiista.

PUNTLAND POST

The post Ruushka iyo Ukraine oo is dhaafsaday in ka badan 200 oo maxbuus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this