Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin, dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowlaha sida dhow u taageera Soomaaliya
340464098_1441308436609326_7387448585931
340297351_3414910492157210_8904350541151
340898783_249516830853018_15034908871288
340929943_185306427211974_15026065867308
340838755_3483512181973571_4731994376971
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this