Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo laga dusiyay dokumentiyo Sir ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa qiimeyneysa sida dokumentiyo sir xasaasi ah oo la dusiyey ay u saameyn karaan amniga qaranka, sida laga soo xigtay waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka.

Dokumentiyada la dusiyey — oo ay baareyso Waaxda Cadaaladda ayaa u muuqda inay ku jiraan qiimeyn iyo warbixino sirdoon oo qarsoodi ah, oo aan taabaneyn kaliya Ukraine iyo Ruushka, balse fallanqeynaya xulufada Mareykanka.

Dokumentiyada ayaa lagu baahiyey Twitter, Telegram, Discord iyo baraha kale ee bulshada maalmihii tegay, waxaan weli soo shaac baxaya kuwa cusub.

Dadka fallanqeeya arrimaha difaaca ayaa sheegaya in dusinta caynkan oo kale ah ee dokumentiyada sirta ah ay waxyeelo iyo ceebeyn weyn gaysan karaan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Maraykanka oo laga dusiyay dokumentiyo Sir ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this