Sign in to follow this  
Deeq A.

Iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoogaysanaya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1681121226501.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

PUNTLAND POST

The post Iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoogaysanaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this