Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil dalka Ingiriiska loogu geystay Wiil Soomaali ah, iyadoo dilkiisa uu baqdin ku abuuray Soomaalida dalkaasi ku nool.

Ciidamada booliiska ee magaalada Sheffield oo ku taalla woqooyiga Ingiriiska ayaa bilaabay baadhitaan, kaddib markii wiil Soomaali ah oo labaatan jir ah toogasho lagu diley xaafadda Gleadless oo ku taalla magaaladaasi.

Si dhab ah looma oga cida rasmiga ah ee ka danbeysa dilka wiilkan, iyadoo uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaadhay rasaas lala dhacay.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay xaafadda uu dilka ka dhacay, sidoo kale xeel dheerayaal baadhitaanada dilka noocan oo kale ah ku takhasusay ayaa la geeyay goobta.

Booliska magaalada Sheffield ayaa dadka magaalada ka dalbaday iney laamaha amaanka la shaqeeyaan oo ay gacan ka geystaan soo qabashada danbiilaha falkaasi ka danbeeyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this