Sign in to follow this  
General Duke

TFG gains Arab support, Kuwait will help + UAE lifts live stock ban..

Recommended Posts

Dalalka Somaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga waxbarasho

Last Updated::2007-11-14 17:59:01

Kuwait:-Sida ay shabakada warbaahinta Somaliyeed ee HorseedNet ay ka soo xiganayso wargeyska Alqabas ee ka soo baxa dalka Kuwait madaxa sare ee hay'ada guud ee waxbarashada tadbiiqiga ah(Dhaqan gelinta ah )iyo tababarka ---

Dr Yacquub Alrifaaci ayaa waxaa uu shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Somaliya u fadhiyo dalka Kuwait Cabdul qaadir Amiin Sheekh Abubakar

Wargeysku waxaa uu sheegay in labadan masuul ay kulankoodii diirada ku saareen iskaashiga waxbarasho ee ka dhexeeya labada dal

Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Kuwiat Cabdul qaadir Amiin Sheekh Abubakar ayaa waxaa uu ka codsaday dawlada Kuwait in ay ka saacido DFKMS dadaalka ay ku doonayso in ay ku hormariso barnaamijyadeeda waxbarashada ayna ka mid yihiin tababaro u fidinta macalimiinta Somalida iyo in dawlada kuwiat ay qaabisho dalabyada deeqaha waxbarasho ee uga imanaya hay'adaha waxbarasho ee ka jira dalka Somaliya si loogu suurta galiyo ardayda Somaliyeed ee doonaya in ay waxbarashadooda ku dhamaystiran karaa kuliyadaha iyo machadyada ku yaal dalka Kuwait

Dr Rifaci oo ka hadlay kulankan ayaa waxaa uu sheegay in hay'ada uu madaxda u yahay ay diyaar u tahay in ay tas-hiiladka daruuriga ah u fidin doonto ardayda Somaliyeed ee doonaysa in ay deeq waxbarasho ku yimaadan dalka Kuwiat

Faysal wakaalad

wakaalad@hotmail.com

HorseedNet.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Imaratka carabta oo daboolka ka qaaday in ay xayiraadii ka qaaday hilibkii laga keeni jiray Somaliya

Last Updated::2007-11-13 22:01:53

Dubai(HRNet):-Sida ay shabakada warbaahinta Soomaliyeed ee HorseedNet ay

ka soo xiganayso wakaalada wararka ee dalka Kuwait dawlada imaaraarka carabta ayaa maanta daboolka ka qaaday ina xayiraadi ka qaaday hilibkii barafaysnaa ee laga keeni jiray Somaliya muddo saddex bilood ah iyada oo lagu xidhay in soo dhoofintu ay u dhacdo shuruudo gaar ah.

Warbaxin maanta ka soo baxday xafiiska wasiirka degaanka iyo biyaha ee dalka Imaratka Dr Maxamed Al-kendi ayaa lagu sheegay in go'aanka lagu qaaday xayiraadii hilibkii laga keeni jiray dalka Somaliya lagu xiray shuruudah soo socda.

-In la helo shahaado caafimaad oo cadaynaysa in xoolaha ku dhaqan degaanka laga keenay ay ka caafimad qabaan xanuuka xummada Wadi Almutasadic

-In xoolaha lagu hayay maxjar lagu kal soon yahay muddo 30 cisho ah ka hor inta aan la gawricin isla markana caafimadka xoolahan lagu baaray shaybaar lagu kal soon yahay

Waxana isla bayaankan maanta ka soo baxay xafiirka wasiirka degaanka iyo biyaha dalka Imaratka carabta lagu sheegay in la joojiyay gebi ahaanba hilibki laga soo dhoofsan jiray bariga iyo bartamaha dalka Sudan kadib markii ururka caalamiga ah ee caafimadka xooluhu uu sheegay inuu degaanadas laga helay xanuuka xumada loo yaqaan xumada waadiga Almutasadic.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Imaratka carabta oo daboolka ka qaaday in ay xayiraadii ka qaaday hilibkii laga keeni jiray Somaliya

xoolo_geel.JPG

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this