Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamka Booliiska oo Gacanta Ku Dhigay Ruux Dhac Ka Geystay Goob Ganacsi

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada Boliiska Degmada Hodan ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeen  eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taala degmadaas.
Ruuxaan ciidanku ay qabteen ayaa loo haystaa inuu goobta ganacsi ka qaatay Cadad teleefoono ilaa 3 mobail ah kuwaas oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33.
War kooban oo Taliska kasoo baxay ayaa lagu yiri ” Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo”.
Eedeysanahaan ayaa waxaa gacanta ciidanka ay ku dhigeen kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmada, xilligii lagu wargaliyay inuu geystay falka dhaca ah ee goobtaasi.
Taliska hadalka kasoo baxay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalmihii dambe caasimadda lagu arkayay kooxo burcad ah oo geysanaya dhac sida laga arkayay Camirooyinka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this