Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Arrimaha Somaliland oo Taageero Ka Raadinaya Wadamada Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland u qaabilsan Madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah kula qaatay Aqalka Madaxtooyada Djibouti Madaxweyne Ismail Omar Gelle,
Ergayga ayaa ugu horeeyn uu gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti salaan sharafeed uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Mohamud.
Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankan dhexmaray isaga iyo Ergeyga waxaa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doona.
Ergeyga ayaa Madaxweynaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, waxaana uu Madaxweynaha uu u muujiay sida dowladda Jabuuti  ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyeed.
Kullankan ayaa qeyb ka ah kullamo badan oo uu Ergeyga ku mari doono dalalka geeska Afrika, kuwaas oo uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhallinta wadahadallada Somaliland, kaas oo dhowaan madaxweynaha uu u magacaabay inuu daadihiyo.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this