Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidanka xoogga oo gaadiid iyo deegaano hor leh ka qabsaday Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga-dalka-ciidan-diicamada-dagaal.jpg

Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa maanta gudaha u galay deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay sanado badan maamuleysay.

Ciidanka ayaa caawa ku hoyanaya degaanka Ceeljuqow ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta ay isaga carareen Shabaab-kii ku sugnaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ceeljuqow ayaa waqooyi ka xiga degmada Galcad oo maalmo ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab, waxayna ciidanku sii mareen degaan kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo Butbut, kaas oo Al-Shabaab ay baneeyeen inta aysan gaarin ciidamada duulaanka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka galabta gudaha u galay degaanka istaraatiijiga ah ee Ceeljuqow ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 3-gaari oo kooxda Al-Shabaab ay ka carartay.

Gaadiidkaan oo looga dabategay dhulka howdka ah ee deegaanka Ceeljuqow oo kooxdu ay uga carartay ayaa dadka deegaankaas waxay sheegeen inay Al-Shabaab lahaayeen, waxayna saraakiishu sheegeen in sababta ay gaadiidkaan uga carareen ay tahay baqdin ay ka qabaan in la duqeeyo.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa maanta kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay kooxda Al-Shabaab uga dulqaadeen dhibkii ay shacabka Soomaliyeed ku hayeen, mudadii 15-sano aheyd.

Taliye Odawaa iyo guddoomiyaha Maxaas ayaa ciidankii ayaa ciidanka u gudbiyey fariinta dowladda ee dagaalka la qorsheynayo dhamaan gobollada dhexe looga saaro Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Korneyl Saney Cabdulle ayaa taliyaha iyo guddoomiyaha ku wehliyey kormeerkaan, waxayna u khudbeeyeen boqolaal ciidanka xoogga iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka ah oo loo yaqaano Macawiisley.

339424217_549457507320581_45945770561198 339426268_762026828669197_49600469033465 339428946_5939391576181176_2478922636081 339452470_1304776600106513_4890913939697 339755260_1376567679798679_4817399205059 340017242_775815603802876_51214242322495 340394725_930546911403444_34961562008386 340450820_791411245735240_16571495711291 ciidamada-ciidanka-xoogga-dalka.jpg?resi xoogga-dalka-ciidan-diicamada-dagaal.jpg

 

The post Sawirro: Ciidanka xoogga oo gaadiid iyo deegaano hor leh ka qabsaday Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this