Sign in to follow this  
Deeq A.

SAWIRRO: Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Erdogan ay usoo dirtay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
340759586_720643433075208_29999021198110

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka socota dowladda Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin.

Taliye Sulub ayaa saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ku qaabilay xafiiskiisa, iyaga oo ka wada-hadlay sidii loo dardar-gelinta tababarada iyo tayeyna ciidanka Booliska Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa tababarada uu Turkiga siiyo ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad.

Saraakiishaan ka socday Turkiga ayaa Taliye Sulub u sheegay inay ka go’an tahay dardar-gelinta tababarida iyo tayeynta ciidanka, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhank ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kaga mahad-celiyay saraashiisahan iyo dolwadadooda sida ay dowladda Soomaaliya u garab taagan yihiin, gaar ahaan tayeynta iyo tababarada ciidamada Soomaaliya.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow saaxiibka ula ah dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka taageera dhinaca dhaqaalaha iyo Ciidamada, iyaga oo xulafeysi gaar ahna leh.

Sidoo kale waxa uu Turkiga door muuqda kulahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, isaga oo si dhaw ula shaqeynayay taliska ciidanka, si loo wiiqo awoodda kooxda, wuxuuna fuliyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka duqeymo dhowr ah oo lagu beegsaday dagaal-yahaanada kooxda.

340009566_560460646145523_21068471231796 340295311_244263071351126_75099253348199 340086934_235722205655568_13516948342494 340759586_720643433075208_29999021198110 339335651_209834791680466_59346699506250 340090584_234488775756991_10832438990802

The post SAWIRRO: Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Erdogan ay usoo dirtay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this