Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-Khaatumo oo mamnuucay in gebi ahaanba wax xiriir ah lala yeesho Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa mamnuucay in gebi ahaanba wax xiriir ah lala yeesho dhinaca maamulka Somaliland.

Dhammaan hay’adaha ka hawlgala Somaliland ayaa laga joojiyay in ay yimaadan degaannada SSC-Khatumo islamarkaana wax shaqo ah ka qabtaan.

SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale joojiyay dhammaan wixii dhaq dhaqaaq ganacsi ah ee ka dhexayn jiray degaannada Somaliland iyo SSC.

Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale mudda lix cisho ah oo ku eg 15 bishan April u qabtay wixii ganacsi ah ee labada dhinac ku kala maqan si loo kala gurto.

Degaannada SSC-Khaatumo ayaa dhinaca kale laga joojiyay in uu dhex maro gaadiidka ganacsi ee isaga goosha Somaliland iyo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post SSC-Khaatumo oo mamnuucay in gebi ahaanba wax xiriir ah lala yeesho Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this