Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar: Shiekh Sharif signeture worth nothing, even in Jowhar

Recommended Posts

Wafdi ka Socday Isbaheysiga Garabka Jabuuti oo Loo Diiday Inay Ka Soo Dagaan Magaalada Jowhar

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Wafdi ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif oo fariisinkooda uu yahay Magaalada Jabuuti loo diiday inay ka soo dagaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.

 

Wararka ayaa sheegaya in Wafuudan oo ka koobneyn ilaa 10 xubnood, ayaa la sheegay in mid ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Maxkamadaha uu u diiday inay ka soo talaabaan Garoonka isla markaana ay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

 

Arrintan ayaa durba keentay inay ku kala qeybsamaan Maamulka Maxkamadaha ee ka arrimaha Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoona Magaalada Jowhar ay ka muuqato saan saanta kala qeybsanaanta soo kala dhex gashay Saraakiisha Maxkamadaha ee gacanta ku heysa Magaaladaas.

 

Nin lagu magacaabo C/llaahi Macalin Mukhtaar oo ka mid ahaa raga aadka ugu dhowaa Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu ka hor istaagay Wafdigaas inay ka soo dagaan Diyaaradii keentay Garoonka Diyaaradaha, waxaana taasi ay keentay in Sarkaalkaas iyo Sarkaal lagu magacaabo Sheekh Abuukar Maqaney oo Wafdiga Isbaheysiga ku soo dhoweyn rabay Garoonka ay iska soo horjeestaan, isla markaana ay isku sigtaan inay gacan isu qaadaan.

 

Ilo ku dhow dhow Maamulka Maxkamadaha ee Magaalada Jowhar ayaa noo xaqiijiyay in ay muuqaneyso kala qeybsanaan Maxkamadaha dhexdooda ee ku aadan fikirka Hogaanka guud ee Maxkamadaha ee ah arrimaha Shirka Jabuuti.

 

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Maamula Maxaakimta ee Magaalada Jowhar, iyadoona arrintan ay ku soo beegmeyso, xilli dhowaan Sheekh Shariif uu is bedel ku sameeyay Maamulkii Maxkamadaha, isla markaana xubno cusub u magacaabay dhinaca ammaanka, taasoona sida muuqataa xubnaha cusub ay durba ka soo horjeesteen Sheekh Shariif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this