Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudida Dhulbahante ee 33-ka oo Go’aamo cusub ka soo saaray Dhaqdhaqaaqyada Ganacsti & Ganacsatada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo saaray go’aamadan :

1:Wax Hay’ad ah oo ka howl gasha Somaliland inaaney imaan karin deegaanada SSC-Khaatumo , wax shaqo ah noocey doonto ha ahaato ma qaban karaan .
2:In ay joojiyeen dhamaan dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka dhaxeeyey ganacsatada deegaanada Somaliland iyo SSC- Khaatumo , wax gancsi ah ha yaraato ha badnaato inaanay soo gelin karin deegaanadan shirkadaha ganacsi iyo gaadiidkooda , illaa kuwa imaanaya Koongurta Somalia aaney u gudbin karin
magaalaooyinka Burco Ber Bera Hargeisa iwm

3 :Mudada ugu danbaysa ee ay haystaan gaadiidka ganacsigoodu wax uga hadheen deegaanada Somaliland waxaa ay haystaan illaa 15 ka bishan socoto , mudadaa wixii ka danbeeya go’aamadan sidooda ayey u fulayaan oo lama fasaxo wax ganacsi ah oo halkaa ka imaanaya , xattaa isu socodka dadka , reer miyiga ayaa xidhan .

ganacsato-1024x1024.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this