Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan oo meel walba kaamarad dhigtay+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Iiraan oo meel walba kaamarad dhigtay+Sababta

Iiraan iyo xijaabka haweenka

Dowladda Iiraan ayaa billowday inay kaamiro dhigto meelaha ay bulshadu isugu timaaddo si loo ogaado haweenka aan xijaabneyn, sida u uku dhawaaqay booliiska.

Haweenka lagu arko inaysan xiran xijaabka ayaa loo diri doonaa “farriimo digniin ah”, ayuu yiri booliiska.

Tan ayaa gacan ka geysan doonta inay ka hortagto “diidmada ka dhanka ah sharciga xijaabka”, ayuu booliiska sheegay.

Dibadbaxyo ayaa sanadkii hore hareeyay Iiraan kaddib markii ay gacanta booliiska ku dhimatay Mahsa Amini, oo ahayd gabar yar oo qowmiyadda Kurdiyiinta ka soo jeedday taasoo lagu eedeeyay inay meel uga dhacday sharciga xijaabka.

Tan iyo geeridii Mahsa haween badan ayaa iska dhigayay xijaabka, gaar ahaanna kuwa ku nool magaalooyinka waaweyn, inkastoo ay wajahayeen khatarta ah in la xiro.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this