Sign in to follow this  
RedSea

Yaa Diidan Laba Dal Oo Nabdoon Oo Jaar ah oo xidhiidh leh?

Recommended Posts

RedSea   

Yaa Diidan Laba Dal Oo Nabdoon Oo Jaar Ah Oo Xidhiidh leh? By Gud: UCID Faysal C.Waraabe

 

Written by Qarannews

Feb 11, 2009 at 09:25 AM

 

Waxa aan dhowaan akhriyay hadaladii madaxweyne ku xigeenka mana aha sida dadka wax loogu sheegaayo ee waa la wanjalay, oo hadalkiisa waa la leexiyay waxaasna waxa samaysay saxaafada oo u du'day wado qaldan, cidkastaaba way ogtahay qaddiyadeena in aan meel ka wada taagnahay, mana aha in lagu dheel dheelo jiritaanka iyo qaddiyada Somaliland. Mudane Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID.

 

London (Qaran news)-Waxa aan uga digayaa saxaafada in ayna marin habaabin hadalada madaxda Somaliland oo aan laga been abuurin isla markaasna aan lagu dheel dheelin qaddiyada Somaliland, waxa aan la yabaabay hadalada sida qaldan ciwaanada loogu sameeyay ee ayna is lahayn ciwaanka iyo qoraalka hoose ee wararka, waxa aan ka hadlayaa hadalkii been abuurka ahaa ee laga faafiyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, sidaasi waxa qarannews u sheegay maanta isaga oo jooga magaalada London gudoomiyaha xisbiga UCID, mudane Faysal Cali Waraabe.

 

Mar aanu waydiinay sida uu u arko arinta Somaliya iyo Somaliland? Waxa uu gudoomiyuhu uu noo sheegay in uu ku taageersan yahay madaxweyne ku xigeenka hadalkiisii ahaa, '' Waxa aanu rabnaa laba dal oo jaar ah oo is garab yaala oo nabdoon oo kala ah Somaliland iyo Somaliya oo wada yeelan kara cilaaqaad caalami ah sida aynu u rabno in aan dal kasta oo caalamka ahba aan la yeelano cilaaqaad, arintaasi waa mid uu madaxweyne ku xigeenku ku saxsan yahay, Djibouti, Ethopia sida uu xad inooga dhaxeeyo ee aan nabada iskaga kaashano iyagana waa suurto gal in xidhiidh noocaasi ah lala yeelan karo.

 

Saxaafada Somaliyana waxa aan u sheegayaa in ay qaddiyada Somaliland ayna ahayn wax qalin lagu bedali karo oo laga been abuuran karo, qaddiyada Somaliland waa mid aan haba yaraatee wax gorgortan ah iyo wax meelo lagu qoro ama laga yidhaahdo aan lagu leexin karin oo ah lama taabtaan.

 

Waxa aanan uga digaynaa in ay faraha kala baxaan arimaha Somaliland oo ayna been abuur dambe oo noocaasi ah ayna gelin, waxa aan ka codsanayaa in ay is waafajiyaan qoraaladooda iyo cinwaanadooda oo ay dib ugu laabtaan dugsiyada saxaafada laga barto badankoodu.

 

Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo madaxda ugu sar saraysa xisbigaasi ayaa ayaamihii ina soo dhaafayba ku sugnaa dalka Ingiriiska iyaga oo qaar waftigaasi ka mid ahi ay maanta u socdaaleen dalka Maraykanka xagga gudoomiyaha wakiilada oo isagu ka soo baxay xisbigaasi UCID, iyo gudoomiyaha xisbiga UCID ay iyana u socdaali doonaan dalka Norway xagaasi oo ay u sii dhaafi doonaan dalka Sweden, iyaga oo xiligan ku jira talaabadii ugu dambeysay ee arrimaha u diyaar garoowga doorashooyinka iyaga oo la hadlaaya taageerayaashooda, isa markaasna la yeelanaaya wada tashiyo, iyo sidii ay taageero dhaqaale uga heli lahaayeen tageerayaashooda ku sugan wadamadaasi ay booqanayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this