Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo tooganeysa 14 nin oo Shabaab ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
maxkamadda-ciidamada-Puntland.jpg?fit=59

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntalnd ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dilal ka geystay deegaanada Puntland.

Maxkamadda ayaa si kooban u baahisay magacyada iyo macluumaadka 14-kaan nin ee dilka lagu xukumay, kuwaas oo kala ah:

1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo  Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho.

2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19jir ah  ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23 jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho.

10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25 jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho.

11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

12-Liibaan  Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

13- Cabdiqani Farxaan Cabdulaahi ina Khadro Maxamed 18jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18 jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

Halka Cabdixakiin Jamaac  Xasan Dheere ina Maryan Axmed 52jir ah ooo ku dhashay Gaalkacyo ay maxkmadu ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah.

339144557_917054229512905_60095538492121 339300170_594979396015923_28956620914025 339301689_673840461213877_18213569921750 339302787_606349177785659_43960343887320 339308088_913676643300025_38263817218849 339308975_174909162088659_58947145372451 340262014_556473966476460_10810885905106 340319698_611701914335743_26174448480439 340459184_242758391465304_76126528718827 maxkamadda-ciidamada-Puntland.jpg?resize

The post Puntland oo tooganeysa 14 nin oo Shabaab ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this