Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti uu hogaaminaayo gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Somaliland oo booqday Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

16-1-300x125.jpg

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Somaliland oo uu hogaaminayey Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Wakiiladda, ahna ku-simaha Gudoomiyaha Mudane Siciid Mire Faarax Giire.

Kulankaas oo u soo qabanqaabiyey Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Mudane. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa waxa Gudoomiye-xigeenka Mudane Giire ku wehelinayey xildhibaan Cabdikariim.

Kulanka Madaxweynaha Jsabuuti iyo wefdiga Somaliland ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee ku dhisan walaalnimada labada shacab.

Dhinaca kale wefdiga gudoomiye-xigeenka Wakiilada Somaliland md. Giire oo booqasho ku tegay xarunta baarlamaanka Jabuuti ayaa kulan la yeeshay gudoomiye-xigeenka Wakiilada Jabuuti, oo lagaga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa isku soo dhowaansho shaqada labada baarlamaan.

Waxa kale oo wefdigu ay oo booqasho ku tegeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada Jabuuti u uu ku qaabilay Wasiirka Waxbarashada oo faahfaahin ka siiyey shaqada wasaarada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this