Sign in to follow this  
General Duke

Baargaal Bari Puntland: local admin in full control, mop up job

Recommended Posts

Xaalada degmada Baargaal ee gobolka Bari ayaa saakay degen kadib markii ay gacankuhaynta degmadaasi lawaregeen ciidamada DGP.

Posted to the MOL May 31, 2007, 6:02 am

 

Xaaladan degenaansho ee degmada Baargaal ayaa timid kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamo katirsan Dowlad goboleedka Puntland kuwasoo xalay ka ambobaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Gudoomiyaha gobolka Bari Muuse Geele Diiriye oo saakay wareysi khadka taleefoonka kusiiyey Warbaahinta Mudugonline.com ayaa sheegay in xaalada degamadaasi Baargaal ay iminka tahay mid degen ayna gacanta kuhayaan ciidamada dowlad goboleedka Puntland ee iyagu xalay halkaasi gaaray.

 

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa intaasi kudaray in dadka deegaanka ay kacdoon kusameeyeen maleeshiyooyinkaasi isugu jira Ajaaniibta iyo Soomaalida ee uu sheegay in ay yihiin haraadigii maxakamadihii laga itaalka roonaaday kanayimaadeeen qaybo kamid ah Koonfurta dalka Soomaaliya halkaasoo ay kasoo eryadeen buu yiri ciidamada DFS

Mar wax laga weydiiyey Muuse Geele halka ay ciidamadaasi hada kusuganyihiin waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay kudhuumaaleysanayaan dhulka buuralayda ah ee degmada Baargaal isagoona tibaaxay in ay kurajowaynyihiin in kooxahaasi gacanta lagu soo dhigi doono iminkana ay kuhareereysanyihiin Ciidamada dowlad goboleedka Puntland.

 

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay isdejiyaan ayna ahaadaan had iyo goor kuwo isku duuban ayse kafeejignaadaan dadka kacdoonada wada.

Habeen hore ayay ahayd markii kooxo hubeysan oo isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali ay doonyo kuyimaadeen xeebta degmada Baargaal waxaana markii ay yimaadeen kooxahaasi durbaba bilowday abaabul xoogan oo looga hortagayo kaasoo uu qaaday Maamulgoboleedka Puntland

 

 

Rabiile Gabanow

 

 

rgabanow20@hotmail.com

 

 

Mudugonline.com Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this