Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamse iyo Waare oo kulan gaar ah ka yeeshay Arrimaha Xasilinta dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680947990120.jpg?resize=720%2C44

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda dhowaan u magacaabay Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay Mudane Waare in uu yahay Khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha loo magacaabay, xukuumadduna ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo argagixisada, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isla markaana uu xaqiijiyo in dadka ku sugan deegaannada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda.

PUNTLAND POST

The post Xamse iyo Waare oo kulan gaar ah ka yeeshay Arrimaha Xasilinta dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this