Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed oo heshiis gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Kuuriyada Koonfureed, Maraykanka iyo Japan ayaa ku baaqay in la xoojiyo taageerada caalamiga ah ee dedaallada lagu mamnuucayo shaqaalaha ay Kuuriyada Woqooyi u dhoofiso dalalka debedda, iyo weliba in la xakameeyo weerarada dhinaca internetka ee dalkaas, taas oo lacagaha uu ka helo, uu ku maalgeliyo hubka nukliyeerka.

Ergada sarsare ee Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan u qaabilsan hubka nukliyeerka oo Jimcihii ku kulmay Seoul, ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa kororka gantaallada hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi.

Tijaabadii ay dhowaan sameeyeen Kuuriyada Woqooyi ayaa muujinaysa inay weli gucle ugu jiraan inay helaan gantaallo horumarsan oo ay ku weerari karaan Maraykanka iyo xulafadiisa, halkii ay wadahadal ka geli lahaayeen.

Inkasta oo Qaramada Midoobay ay 11 jeer dalkaas ku soo rogtay cunaqabatayno, iyo weliba dhibaatooyinkii ka dhashay xanuunkii COVID ee dunida kala xidhay, haddana weli Kuuriyada Woqooyi waxay qaybo badan oo khayraadkeeda ah ay u isticmaashaa horumarinta hubka nukliyeerka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this