Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Hiilweyne ugu tegay ciidan loo diyaariyey xasilinta Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
340410117_621448062653118_83119905429799

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada xoogga dalka ee Hiil-weyne oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Waxaa xeradaas degan ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Uganda, kuwaas oo dalka dib loogu soo celiyey, kadib markii dhawaan uu tababar u soo xiray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamadaan oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay inay ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka argagixisanimo eek a dhacay magaaladaan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo u turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidanka ku adkeeyey inay tusaale u noqdaan ciidamada kale ee shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka ay kala dhaxeyso.

Madaxweynaha ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidankaan oo kumanaan askari ah ayaa dhawaan ku soo laabtay Muqdisho, kadib dhowr bilood oo tababar culus uu uga socda dalka Uganda, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladii uu ciidankaas tababarka ugu soo xiray wuxuu ka sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay bixisay tasiilaadka ku baxay tababarka ciidankaan.

339259996_5979760232116785_5587398609349 339271081_1172209326800133_7957420482886 339935898_193595080092032_79076559716558 340165567_1268204113802889_1634870235589 340255252_533900732239113_86401477651090 340290988_168911339381011_60077336636790 340316528_620623393287280_91570219428479 340374882_1267951830802647_1970378057180 340410117_621448062653118_83119905429799 340423008_124861450488310_27229811099914 ciidan-xoogga-militeriga-Soomaaliya.jpg? gaadiid-dagaal-cabdibile.jpg?resize=696% guddoomiye-yuusuf-madaale.jpg?resize=696 taliyaha-booliska-Jeneraal-Sulub-Firin.j taliye-ku-xigeenka-ciidanka-xoogga.jpg?r wasiir-jaamac.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 xasan-sheekh.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 xoogga-dalka.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Hiilweyne ugu tegay ciidan loo diyaariyey xasilinta Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this