Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20230407-WA0002-1.jpg?resize=1000%2C

Shil gaari oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa aroornimadii hore ee saaka oo jimce ah ka dhacay jidka laamiga ah gaar ahaan inta u dhexaysa Garoowe iyo Sinujiif.

Shilkaas oo ka dhacay dooxada Janteella ayaa sababay geerida laba ruux oo wiil iyo gabar ah halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka Garoowe.

Saraakiisha Ilaalada waddooyinka Puntland oo gaaray goobta shilkaas ka dhacay ayaa sheegay in ay weli baaritaan ku hayaan sababta dhalisay shilka.

IMG-20230407-WA0001.jpg?resize=1000%2C75 IMG-20230407-WA0002.jpg?resize=1000%2C75 IMG-20230407-WA0003.jpg?resize=1000%2C75 IMG-20230407-WA0000.jpg?resize=960%2C540

PUNTLAND POST

The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this