Deeq A. Posted April 7, 2023 Taliska Muuse Biixi ayaa saaka oo Jimce ah mar kale abaabul weerar ka wada duleedka Laascaanood. Dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland oo isu diyaarinaya weerar horleh ayaa saaka laga dareemaya jiidda Laascaanood. Wararka ayaa tebinaya in ciidamada Somaliland ay saacadaha soo socda qorshaynayaan weerar ka culus kuwii hore. Taliska Korneyl Biixi ayaa Sabtidii hore weerar xooggan ku qaaday Laascaanood si uu dib ugu qabsado inkastoo uu ku fashilmay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites