Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Muuse Biixi oo iclaamiyay duullaan horleh oo ku jihaysan Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680789515190.jpg?resize=720%2C45

Kadib dagaal socday 60 cisho oo Taliska Muuse Biixi ku guul-darreystay in uu dib u qabsado Laascaanood, ayuu mar kale maanta ku celiyay hanjabaad dagaal.

Bayaan ka soo baxay shirkii maanta ee golaha wasiirada Somaliland ayaa lagu sheegay in magaalada Laascaanood laga sifaynayo ciidamada ka dagaallamaya, taas oo ka dhigan iclaaminta duullaan horleh.

” Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo xuduudaha dalka” ayaa lagu yiri bayaankaas.

Golaha wasiirada Somaliland ayaa sidoo kale ku eedeeyay Puntland in ay qayb ka tahay dagaalka Laascaanood, si ay u samayso xuduud qabyaaladeed, inkastoo Puntland horay u caddaysay in aysan gebi ahaanba lug ku lahayn dagaalkaas.

Ugu danbayntii, ciidamada Somaliland oo bilo ka hor gacanta ku hayay guud ahaan gobolka Sool ayaa hadda ku urursan labada ceel ee Gooja-cadde iyo Dhuxun oo masaafo ahaan ka yar 7km.

PUNTLAND POST

The post Taliska Muuse Biixi oo iclaamiyay duullaan horleh oo ku jihaysan Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this