Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680770111487.jpg?resize=720%2C48

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden ,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah;  Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen (Soomaaliya & Qatar).

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this