Sign in to follow this  
Emperor

Today's latest rumour regading the PM position

Recommended Posts

Emperor   

Xubno la hadal hayay in loo wado ra’iisal wasaare-nimada oo iska waayay liiska iyo madaxweynaha oo guda galay kulamo saacad saacad ah oo uu la qaadanayo xubno la xulay(xubno cusub oo ku soo biiray fagaaraha tartanka)

 

 

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa guda galay kulamo saacad saacad ah oo uu la qaadanayo musharaxiinta jagada ra’iisal wasaaraha ee la filayo in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Madaxweyne Shariif, waxaana xubnahaan oo ay tiradoodu gaareyso 10 la sheegayaa in qaarkood uu la kulmay qaarna ay weli harsan yihiin.

 

Kulanka Madaxweynaha iyo xubnahan isu soo sharaxay jagada ra’iisal wasaare-nimada ayaa lagu sheegay inuu yahay mid kala war qaadasho iyo qiimeyn ah, waxaana madaxweynuhu uu mid kastaba wareysi kooban kala yeelanayaa ajandayaashiisa siyaasadeed, isagoo sidoo kalena u kuur galaya qaab dhaqankiisa, maadaama la filayo in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaruhu ay noqdaan kuwo isku ujeedo ka ah siyaasadaha dalka si looga feejignaado khilaafaadkii ragaadiyay dowladihii ka horeeyey mida haatan la dhisay ee Midnimada Qaran.

 

Saacadii ugu horeysay ee galabta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11.02.09 ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweyne Shariif ra’iisal wasaarihii hore ee dowladdii TNG-da Dr. Cali Khaliif Galeyr, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu su’aalo dhowr ah ka weydiiayay ujeedooyinkiisa siyaasadeed ee xukuumada mustaqbalka dhow.

Sidoo kale, xubno si weyn loo hadal hayay inay ugu dhow dhowyihiin qabashada xilka ra’iisal wasaaraha ayaa galabta laga reebay Liiska dadka uu qaabilayo madaxweynen Shariif Sheekh, waxaana ka mid ah xubnahaasi laga tegay Maslax Max’ed Siyaad, C/rashiid Cirro, C/risaaq Jurile iyo Max’ed Cabdi Yuusuf oo iyagu berryihii ugu dambeeyey ku jiray olole ay ku doonayaan jagadan ra’iisal wasaaraha.

Sidoo kale, xubnaha aan hore loo sii saadaalin inay ku jiraan liiska dadka u sharaxan jagadan ra’iisal wasaaraha amaba aanan lagu tiring jirin inay ugu dhow dhow yihiin ee galabta madaxweynuhu qaabilayo ayaa waxaa ka mid ah Siciid C/llaahi oo loo yaqaano (Deeni) oo isagu ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaano Puntland, Max’ed Cusmaan Aadan (Edsan) oo isagu ka mid ahaa musharaxiintii jagada madaxweyne-nimada, wiilka uu dhalay ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Nuur-diin Diiriye oo isaguna ka mid ahaa musharaxiintii jagada madaxweyne-nimada maamul goboleedka Puntland, Cali Cabdi Awaare oo ahaan jiray wasiir ka tirsan Puntland, ahna maamulaha idaacadda iyo TV-ga SBC iyo xubno kale oo ka socda dhanka bulshada Rayidka qaarkoodna ay la shaqeyn jireen hay’addaha Qaramada midoobay.

 

Ganacsade Siciid C/llaahi Deni oo isagu ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ee shirkadda ganacsiga ee Towfiiq oo si weyn looga yaqaano gobolada Koofurta, sidoo kalena ka mid ahaa ururkii Al Islaax ayaa si gaar ah loo hadal hayay maalmihii ugu dambeeyey iyadoo lagu xamanayay inuu kalsooni buuxda ka heysto madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Mr. Faroole, halka sidoo kalena uu kalsooni ka heysto ganacsatada reer Muqdisho oo iyagu muddo ay soo wada shaqeyn jireen, lana dhacsan yihiin qaab dhaqankiisa iyo siyaasadihiisa.

Sidoo kale, waxaa jira xubno ka tirsan baarlamaanka cusub oo iyagu uga digay madaxweynaha in loo magacaabo ra’iisal wasaare Mr. Deni, sababtoo ah bey yiraahdeen wuxuu ka mid ahaa xubnihii diidanaa qadiyadii maxkamadihii Islaamiga iyo Jihaadkii ka dhanka ahaa ciidamadii Xabashida ee iyagu mudada labada sano ah halaaga ka waday gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa la filayaa in 24-ka saac ee soo socota uu ku dhawaaqo shaqsiga noqonaya ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, maadaama uu isaguba shalay ka dhawaajiyay in sida ugu dhaqsaha badan uu u magacaabayo.

Garaad Salaad Xirsi

E-mail: garaadcadde@hotmail.com

 

 

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   
Ganacsade Siciid C/llaahi Deni oo isagu ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ee shirkadda ganacsiga ee Towfiiq oo si weyn looga yaqaano gobolada Koofurta, sidoo kalena ka mid ahaa ururkii Al Islaax ayaa si gaar ah loo hadal hayay maalmihii ugu dambeeyey iyadoo lagu xamanayay inuu kalsooni buuxda ka heysto madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Mr. Faroole, halka sidoo kalena uu kalsooni ka heysto ganacsatada reer Muqdisho oo iyagu muddo ay soo wada shaqeyn jireen, lana dhacsan yihiin qaab dhaqankiisa iyo siyaasadihiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It may be the candidate is Said Abdulahi Deer and not "Said Abdulahi Deni" as these guys are reporting. If it is Said Abdulahi Deer, we know his background and he would be a great choice.

 

This "deni" dude is unknown to me unless they got the names misspelled.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinoow, Deer is great businessman from Bari region who will face no resistance from Puntland diaspora as was the case for Cirro and others. He is regarded as one of the most astute businessmen in that part of Somalia. He wasn't into politics the last time I knew.

 

Deni, I don't know. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

LST, yep you may be correct, if it is indeed Said Abdulahi Deer and not Deni, then he is a very well known chap... Both Duke and Sophist know him too, he's an excellent communicator and a religious fella...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Xiinoow, Deer is great businessman from Bari region who will no doubt face no resistance from Puntland diaspora as was the case for Cirro and others. He is regarded as one of the most astute businessmen in that part of Somalia. He wasn't into politics the last time I knew.

I already predicted he's gonna be a man who has good ties with puntland. :D

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^???

 

My prediction stems from close observation of how things are going back home. It's obvious that the internatinal government who are packing our current president will want to run somali politics the way they want. Anyways, it doesn't harm to have someone who will consistently challenge our president rather than someone who will just go along with whatever he's told.

 

I predict a thriving somali government inshallah.

 

lets make duca

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this