Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirkii Muqdisho oo ay kusoo biireen saraakiil shisheeye ah oo horleh

Recommended Posts

Deeq A.   
339967437_1259909434941768_2822272239037

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ku soo biiray saraakiil militari oo ka socota dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Shirkan oo uu guddoominayay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa waxaa looga hadlayay isku dubaridka howl-gallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab

Shirkii maanta ayaa waxaa diiradda lagu saaray dejinta qorshaha wajiga labaad ee howl-galka, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaan u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dalalka safka hore.

Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla gorfeeyeen sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.

339967437_1259909434941768_2822272239037
339128765_599836885510869_56184617605672
339111498_748866513648790_79753442482774
340008468_1179757516019440_1645810920327
340002849_234616499088166_50903188788645
340081076_911957793343412_87664036571044
340000973_773817027288610_47420743296604
339906516_737969111368505_14772970741647
339997437_708662427667491_19953416641923

The post Sawirro: Shirkii Muqdisho oo ay kusoo biireen saraakiil shisheeye ah oo horleh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this