Sign in to follow this  
Jacaylbaro

17th July 1989

Recommended Posts

i935239_CumarMuusejaziira.jpg

 

 

Habeenkii taariikhdu ahayd 16 - 17 Julaay 1989, mar ay saacadu ku beegnayd 1 habeenimo. Shan koofiyad cas ah ayaa soo jabsaday gurigii aanu jiifnay. Waxan ahayn 5 rag ah iyo 4 dumar ah. Afar nin oo ka mida shantii nin ee aan guriga ku jiifnay, oo uu ku jiro ninkii guriga lahaa Cabdirisaaq Caydiid Maxamed, ayaa la duubay/qaaday. Nin da' weyn oo curyaan ah kaasoo aan socon karayn ayaa laga tagay."

 

"Waxa naloo qaaday meel aan ku qiyaasayo inay guriga u jirtay ilaa 30 talaabo halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah kuwaasoo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Ciidamadu waxay ku jeeniqaarnaayeen qoryaha AK. Dadka ay koofiyad castu ku hareeraysnayd qaarkood way feedho qaawanaayeen. Dadka meesha fadhiyey madaxoogu lugahooda ayuu ku hoos jiray. Waxan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo midkale oo Toyota ah kaasoo uu saaran yahay qori Braun ah. Qaar askarta ka mida ayaa nagu garaacay qoryihii ay siteen dabadooda. Waxba nalama waydiin. Waxa nala fadhiisiyey meeshii dadka kale ay fadhiyeen. Mid askarta ka mida ayaa tirinayey dadka markasta oo qaar cusub lagu soo biiriyo. Ugu dambayntii wuxu u sheegay sarkaalkii watay in tirada dadku yihiin 47 qof."

 

"Waxa nalagu qaaday mid kamida labadii Paggazi. Intaanu saarnayn gaadhiga xamuulka ah si isdabajooga ayaa naloo garaacayey, iyadoo naloo cagajuglaynayey. Gaadhiga xamuulka ah jembiyadiisa waxa saarnaa askartii na ilaalinaysay. Waxa naloo dhaqaajiyey dhinaca Koonfurta Muqdisho. Waxa na daba socday laba gaadhi. Waxan u leexanay dhinaca bada, anagoo si tartiib ah ugu daadagayna dhinaca biyaha bada. Markani waxay ahayd markii aan garawsaday in nala tooganayo oo aan xabsi naloo wadin. Nin da' weyn oo i agfadhiyey ayaa isna dareenkaa mid la mida qabay."

 

"Sadexdii baabuur waxay istaageen meel u dhow xeebta. Meel noogu beegnayd bariga waxa ka muuqday ciidii bada oo si taal taal ah u tuulan. Askartii nala socotay waxay isku qaybsheen laba kooxood: kooxi waxay isku xeereen baabuurkii xamuulka ahaa ee aan saarnayn, kooxdii kalena waxay fuuleen ciidii tuulnayd. In yar kadib waxay ka soo noqdeen ciidii tuulnayd waxaana naloo waday oo nala geeyey ciida tuulan guudkeeda, waxaana amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox koox ayaa nalooga daadajiyey carada tuulan korkeeda iyadoo shan shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo, hase yeeshee maanaan maqal wax ddhawaaq ah. Waxan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu,Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaah'."

 

"Si isdabajoog ah ayaa naloogu cagajuglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeyey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta."

 

"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabkayga bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudogaleen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhamaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo agjoogay ayaa yidhi 'waar ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen."

 

"Askartii waxay fuuleen baabuurtoodii wayna tageen. Meeshiibaan ka soo kacay, waxan eegay hareerahayga. Markaan hubsaday in askartii ay gebi ahaantoodba muuqan ayaan dadkii la laayey dhex jubaaxay si aan bal baadigoobo wax naftu weli ku sii jirto. Cid nooli may jirin, qudhu 46 kii qofba waa ka baxday. Waxan u tukubay dhinaca bada si aan iskaga maydho dhiiga iyo ciida jidhkayga ku dhegan."

 

"Qoraxdiibaa soo baxday, waxan u dhaqaaqay dhinaca galbeedka. Waxan gaadhay degmada Jaziira mar ay saacadu ku beegnayd ilaa 11 subaxnimo. Waxan ka codsaday nin bas waday in uu i qaado wuuna iga aqbalay. Waxan markiiba soo gaadhay xaafadii aan deganaa waxanan dadkii uga waramay wixii dhacay. Dumarkii guriga joogay markii aan u waramay qaylo dheer ayey ku dhufteen waxayna baroorteen baroor tiiraanyo badan. Dumarka waxa ka mid ahayd Faadumo-Amal oon u adeer ahaa oo uu qabay Cabdirisaaq Caydiid "Carab Saqiir". Qayladii ayey xaafadihii jiiraanka ahaa iyaguna maqleen kadibna ay isku soo baxeen. Markii ay ******** in dadkii xaafadaha laga raafay la laayey ayey xaafadihii baroor iskuwada dareen. Anigoo markii horeba didsanaa waan xamili kari waayey qaylada iyo baroorta tiiraanyada iyo quustu ku ladhan yihiin."

 

"Si aan la iigusoo raacain qaylada oon mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska bedelay macawistii aan guntanaa, kadibna aan uga baxay xaafdii. Waxan raacay bas waxaanan tagay makhaayad la odhan jiray Cagaaran oon wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray. Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdixaliil. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kexeeyey iguna qariyey meel uu ku jiray. Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii yimid oo igu soo siyaartay gurigii aan isku qarinayey. Mid ka mida saddexda nin ayaan iqiiney. Way iga tageen markii aan uga waramay wixii dhacay. Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabniumo, ayaa hadana waxa isoo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mida saddexdii hore iyo nin janan ah oo dirays militeri iyo darajo ku lebisan. Waxay wateen gaadhi Landcruiser ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal Xuseen Xasan "Karaj". Dadka kale ee la socday qaar ka midi waxay ahaayeen Cabdirisaaq Caydiid qaraabadiisii."

 

"Way i qaadeen waxayna i geeyeen bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka lagu laayey Jaziira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaala, dabayshuna ciidii lagu rogay ka qaaday oo hilbahoodii rasaasi googoysey. Markay ku arkeen indhahooda wixii dhacay ayaanu dib u soo noqonay."

 

"Markii aanu ku soo noqonay Muqdisho Jeneraal "Karaj" wuxu soo jeediyey in aanu u tagno Siyaad Barre oon uga soo warano wixi dhacay. Nin ka mida nimankii kale ayaa figradan diiday isagoo oo u muuqday inuu baqanayo, wuxuuna soo jeediyey in aanu u tagno Janaraal Axmed Saleebaan Dafle oo isagu markaa ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha."

 

"Waxa naloo sheegay in Janaraal Axmed Dafle uu joogo Xarrunta Ciidamada Booliiska. Janaraal Karaj ayaa xarruntii galay, intayadii kalena waxanu ku sugaynay dibeda. Waan baqanayey, markaasaan isku dayey in aan baxsado. Haseyeeshee waxa isoo qabtay laba askari oo Janaraal Karaj ilaaladiisa ahaa. Wax yar kadib ayaa la gudaha la i geeyey. Waxa la ii geeyey Axmed Saleebaan iyo shan nin oo kale oo la fadhiyey. Waxay igu yidhaahdeen waran oo bal sheeg siday wax u dhaceen. Markii aan u waramay ayuu Axmed Saleebaan Jeneraal Booliska haystay ku yidhi kaxee ninkan oo gurigaaga ha joogo. Haseyeeshee Janankii wuu diiday wuxuna yidhi: 'gurigayga iyo gurigii lagala baxay waxba kuma kala duwana ee adigu gurigaaga gee'. Axmed Saleebaan ayaa amar laba askari ku siiyey in ay i kexeeyaan oo ay i geeyaan gurigiisa halkaana la igu ilaaliyo. Laba bilood ayaan guriga Ina Saleebaan Dafle ku jiray. Mar mar ayey ii ogolaan jireen in la isoo booqdo."

 

"Mudo markaan ku jiray guriga Axmed Saleebaan Dafle waxa la ii qaaday guriga madaxtooyada halkaasi oo aah kula kulmay shan nin oo iskugu kay sheegay in ay yihiin Guddida Baadhista Jaziira oo uu Siyaad Barre aasaasay. Waxay ii sheegeen magacdoodii iyo qabiilada ay ka dhasheen. Waxan imika sii xasuustaa keliya Jeneraal Abuukar "Suley" oo ahaa Janan ciidamada ka tirsan."

 

"Waxay gudogaleen waraysigoodii waxayna igu yidhaahdeen: 'sheeg wixii dhacay adoon baqanayn beena aan sheegayn'. Waxan suaalay oon ku idhi: 'hadii ay run idinka tahay in aad rabtaan inad ogaataan wixii dhacay maxaad u baadhi weydeen markuu meydku yaalay banaanka?'. Iimay jawaabine way uun qosleen. Hadana waxay yidhaahdeen: 'Waxaa iska ilow oo sheeg waxaad ogtahay', tiiyoonay iiga jawaabin su'aashaan weydiiyey. Markaa kadib waxan uun u sheegay wixii dhacay. Way qoranayeen, suaalona way i waydiiyeen waanan uga jawaabay."

 

"Intaa kabacdi waxa la ii qaaday gurigii Axmed Saleebaan Dafle. Maalmo kadib ayaa hadana la ii qaaday qasrigii Madaxtooyada si aan ula soo kulmo shantii nin. Waxay ii akhriyeen wixii aan u sheegay oo daabacan. Kadibna waan u saxeexay. Hadana waxa la igu ceshay gurigii Axmed Saleebaan Dafle."

 

"Axmed Saleebaan Dafle iyo qaraabadiisu jimce kasta waxay tagi jireen Afgooye oo ay ku soo nasan jireen, anigana waa la i kaxayn jiray. Intii guriga aan joogay asxaabtayda ayaa guriga Ina Saleebaan Dafle igusoo siyaaran jiray waxayna ii qorsheeyeen in la i saaro oon baxsado. Maalin Jimce ah ayey Axmed Saleebaan iyo reerkiisii ay igu yidhaahdeen ina keen Afgooye ayeynu aadaynaaye, hase yeeshee waxan ku idhi anigu maanta waan yara xanuusanayaa oo waan iska jiifayaaye idinku iska taga. Gurigii ayaa la igaga tagay. Waxa uun guriga ku hadhay aniga iyo askartii ilaalada ahayd. Wakhti ay qoraxdu kulushahay oo ah saacatul-qaafuur ayaan dayrka ka booday tiiyoonay askartu i arkayn. Waxan ordaba waxan soo gaadhay maqaaxi ay asxaabtaydu joogeen. Halkii ayaabaan gaadhi ka raacay wuxuuna i geeyey Baladweyn. Laba maalmood ayaan Baladweyn ku dhuumanayey, kadib waxa iga daba yimid gaadhi kale oo la iisoo diyaariyey. Sidaasi ayaan ku imid xeradii Daroor ee qoxootiga Somaliland degenaayeen."

Share this post


Link to post
Share on other sites

MAGACYADA DADKII XASUUQAAS LAGU LAAYAY:

 

1.Mohamed mohamud Abdi(H.Y) Businessman

2.Ali Mohamed Abdi (H.A) Student

3.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician

4.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman

5.Jama Mohamed Abdi(H.A) Trader

6.Ibrahim Hasan Gelle( H.Y) US-OMC-somalia

7.Ibrahim H. Abdillahi Dirie(H.Y)Businessman

8.Mohamed Ismail Ahmed(H.Y) Businessman

9.Yusuf Mohame Handulle( H.Y)USAID

10.Saeed mohamed Mumin( C.G) ***.pro.Lafole S.N.U

11.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman

12.Hussein Ali Aden(H.J)Businessman

13.Saeed Nur Musa( H.J)businesman

14.Abdirahman Mohamed Bihi( H.J)Businessman

15.Abiwahab Farah Ahmed(H.Y) Student

16.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student

17.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman

18.Ahmed Yassin Omar Jama( H.A) Businessman

19.Mohamed Abdi Hassan( H.A)Businessman

20.Ibrahim Hassan Ege(H.A) Technician

21.hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman

22.Ali Mohamed Dirie(H.J) C.Serv

23.Abdi Osman Dubad(H.Y)Trader

24.Husein Omar Husein(C.G) Trader

25.Moh amed Musa Mohamed(H.Y) Trader

26.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (H.A)Sportsman

27.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan)Trader

28.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(H.A)Trader

29.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servent

30.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servent

31.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servent

32.Jama Aden (barosin)(H.J) Civil servent

33.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(H.A)Trader

34.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader

35.Barre Osman Abdi (C.G) Trader

36.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student

37.Hussein Osman Jama (H.A)student

38.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student

39.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student

40.Hassan Nur Hersi (H.A) Student

41.Abokor Mohamed Yousuf (H.A)Trader

42.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader

43.Khadar nuur Jama (H.A) Trader

44.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader

45.Mohamed Osman Jama (H.A)Trader

46.Farah Ismail Awale (H.Y) student

47.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.

48.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader

49.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader

50.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader

51.Muhidin Macalin Ahmed (*******)

52.Saadiq SH. Ahmed (******)

53.Bahyaal Muhumud Jiri (******)

54.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)

55.Daud SH. Ibrahim (H.Y).

56.Hussein Kheyre Abdi (H.J)

57.Rashid Mohamed Osman (H.A)

58.Abdi Barre Osman (C.G) graduate

 

 

Ilaahay dhamaantoodba Naxariistii Jano ha ka waraabiyo, Ehelkii Qaraabadii Saaxiibadood iyo dhamaan shacbiweynaha Somaliland na samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa waraysiga SDWO u qaaday Abdirahman Jama isagoo jooga dalka Suuriya, Su,aalahana waxa soo diyaariyey una diray C/Raxmaan SDWO oo aanu ka codsanay inuu su,aalahaas weeydiiyo Mr Canjeex maadaama uu sheegayo inaanu xasuuqaas waxba ka ogeyn.

 

Waraysigiina waxa uu u dhacay sidan.

 

 

 

 

 

1.Magaca. Gashanle sare Ibrahin Cali Barre ( canjeex )

 

Email . ibrahimanka@hotmail.com

 

Degen :Dimishiq suuriya

 

 

 

2. Su,aal SDWO- Maxaad wakhtiigaa xukuumadii siyaad barre ka ahayd?

 

Jawaab Canjeex- Taliyaha guutada labaad ee Taangiyada.

 

 

 

3. SDWO - Maxaad se qaabilsanayd?'

 

CANJEEX -Taangiyada.

 

 

 

4. SDWO - Habeenkii xasuuqii jasiira, halkeed ku sugnayd?

 

CANJEEX - Magaalada xamar, xerada Guutada labaad eeTaangiiyada.

 

 

 

5.SDWO - Maxaad u malaynaysaa in laguugu eedeeyay xasuuqan?

 

CANJEEX - Magaalada muqdisho waxaa ka dhacay kacdoon shacbi ah oo weyn oo dowlada lagu afgambinayey 14/07/1989 kii,ciidamada xukuumadu waxay u diyaar garoobeen in ay difaacaan xukuumada , sida anigu aan maqlay wasiirkii Gaashaandhiga,Taliyaha xooga,Taliyaha,hogaanka hawlgalinta,Taliyayaasha Ciidamada sida bada,cirka iyo Taliyah kuliyadii jaallle siyaad.

 

Rag janaraalo ah oo noocaas ah ayaa ciidamada amarka siinaayey.

 

 

Aniguna gacan ayaan ka jabnaa waxaanan ku sugnaa xerada guutada labaad ee taangiyada. Habeen ay bishu ahayd 17 saacaduna ahaeyd 23:00 waxaa ila soo xiriiray Taliyaha xooga waxuuna igu amray in aan tago huteel Daamay oo agtiisa dhibaato lagu sheegay ,waxaan u yeedhay laba sarkaal 1)Maxamed cabdilaahi Buraale(ina wilad)Habarjeclo-cibraan-reercigaal-reeraxmed. waxaanu ahaa taliyah hawlgalinta guutada ee guutada labaad ee taangiyada.

 

Iyo sadex xadhigllle Maxamuud afrax shunuunac (dudble) ******.

 

Waxaana ku idhi askar inoo soo kaxeeya ,sadex baabuur oo biijiiyayaal ah oo ciidan ah ayaan saaranyahay ayaan kaxeysanay waxaan taganay hutel daamay waxaan lakulanay Dahir Cali Daamay oo Maruursade ah lehna huteelka ,waxaa uu noosheegay in aagan xasilooni kajirto ,waxaan markaa kula xidhiidhay fooniyaha una sheegay in aagani xasiloonyahay oo aanu waxba ka jirin, waxa uu igu yidhi utag gaaska afariyo tobnaad 14aad waana booliis milataariyo ,waxaan ku idhi taliye mahagaagsana in ay is tagaan labadan ciidan oo hubaysani oo isla saacadani ah. Waxaad ku sugtaa ayuu yidhi Tarabuunka abaar 12:30-01:00 waa yimaadeen waxaan tagnay dhamaantayo Buuloxuubay o aan naga fogeyn markaa.

 

Taliyayashii naftoodii ayaa yimid waxay bixiyeen amar ah dhalinyarada reer waqooyiga in la raafo dhanaana la geeyo, markii amarkaais sdiaa ku dhamaadey waxaan ka codsaday taliyaha xooga in aan xeradaydii ku noqdo , waxuuna amar igu siiyey in aan joogo , abaaro labadii habeenimo 2 halkaas ayaa raafkii ka bilaabmay ,qoladii koofiyada guduudu amarkii waa jabiyeen

 

Waxaanay soo ururiyeen saraakiil sare,odyaal ,ganacasato,maadaama aan meesha joogey aniga iyo sarkaal kii ***** ,waxaan diidney in dadkaasi la raafo raga ay soo raafeen waxay ahaayeen saraakiil waxaana ka mid ahaa

 

 

 

1-Gaashaanle sare Ibrahim Ruush, Habar awal ciidamada cirka .

 

2-Gaashaanle sare Xuseen Kharashyare waa garxajis

 

3-Gaashaanle sare sumuni musse cabdale

 

4-Cabdilahi caga dable ,Ciidamada Hangashta, Habaraawal

 

5.Gaashaanble sare Engineer Food , Habaryoonis badhulbahante.

 

6-Gaaashaanle sare xuseen dheere Habaryoonis

 

iyo ragbadan oo saraakiil ah oo u badnaa nabadsugida.

 

 

 

Raga ganacasatada ahaa waxaa ka mid ahaa.

 

1-Xuseen faaraxcade xuseen cimraan iyo rag qaraabadiisa ,rag uu dhalay iyo qaar uu adeero u yahay. Ninkaa iyo wiilashiisa sadex jeer ayay soo qabteen ilaa aan markii danbe aan uga dhigey waardiye ina wiilad oo ahaa taliye ku xigeenkaygii.

 

Waxaanan u sheegy in uu joogo guriga oo uu waaridye ka noqdo xuseen cimraan. 2:30 habeenimo aniga iyo saraakishii ila socotey waxaanu ku noqonay xeraydayadii. ciidankii kale ee soo raafay dadka iyo baabuurtiiba waxaa loo qaadey xagaa iyo dhanaane sidii uu amarku ahaa.

 

Raga ciidankaa wadatay waxay ahaayeen labagaashaanle sare:-

 

 

1Gaashaanlesare dhagabacayr

 

2-Taliyaha ciidanka koofiyad casta Diiriye xirsi

 

 

 

Xogta aan ka ogahay intaas ayayey ahayd.

 

 

 

Bishii august 10 keedii hargeisa ayaa la ii bedeley , intii aan la i bedelin ragbadan oo uu ka mid ahaa ina laxwas ale ha u naxariistee ayaan la kulmay.

 

Nin taliska ciidanka ciidanka asluubta agtiisa maqaaxi ku lahaa oo la yidhaahdo dasaniye DAANIYE oo habar yoonis ah oo ay saxiib ahaayeen cali xaaji gaandi aya yidhi arinta iska reeb inta aanand tegin ka dibna hargeisa ayaan aadey , Hargeisa anigoo jooga ayaa waxaa la yidhi BBC waxaa ka hadley wiilka la yidhi wuxuu ka fakadey xasuuqaa oo yidhi ciidanka canjeex ayaa watey . Sidaas ayaana la iigu eedey .

 

 

 

6. SDWO - Maxaad ka ogayd xasuuqan la sameeyay intii aan lagu dhaqaaqin ka hor?

 

CANJEEX - Wax aan haba yaraatee ka oogaa majirto.

 

 

 

 

 

7.SDWO - Hadii ay run kaa tahay inaad magacaaga nadiifiso, ma kuu qorshaysantahay inaad Somaliland tagto oo aad halkaas ka cadaysid, waa ta qudha ee hadii ay run kaa tahay?

 

 

 

CANJEEX - Intaan joogey Nairobi waxaan la kulmay ragbadan oo ***** ah , rag ganacsato ah oo uu ka mid ahaa Wardi basbaas ,Dable , Cabdilahi dhakaar, Rgaasi waxay igula taliyeen hategin hargeisa waayo dadkbadan oo dhagaha loo buuxiyey ayaa jira markaa meel adiga kuu amin ah ma aha .

 

 

 

8. SDWO -Hadaba adigu hadii aad leedahay kamaan dabayn xasuuqaas, kolayba nin ciidnka ku dhex jiray baad tahay waanad ogtahay cidii ka danbaysay, markaa si u magaacagu u nadiifoobo yaa ka danbeeyay xasuuqaas?

 

 

 

CANJEEX - Taaasi waxaan qabaa maadaama aan sheegey madaxdii sare ee ciidanka oo uu wasiirku gaashaandhiga iyo kuwii la mid ka ahaa ka mid ahaayeen ay amarkaa bixiyeen iyo ragii askarta watey ee amarka fuliyey in ay iyugu ka danbeeyeen. Nairobi waxaan ku la kulmay gaashaanle sare cabdihire guhaad oo markaa joogey halkii amarku ka soo baxay isaga ayaana ii shegey halka uu amarku ka soo baxay isaga ayaana iyaga aqoon badan arintaa waxaanu joogaa minosto ,

 

 

 

9. SDWO - Maxaa se maraykanku kuugu diiday inaad dalkooda joogto hadii aan waxa cad lahayn?

 

 

 

CANJEEX - Maraykan maanan aadin , waxaanan maray imtixaana [interview] waana lay ogolaadey maalinkiii ay IMS intixaankii u danbeeyey ayaa waxaa qasab ku soo gashay gabadh arab ah si ay u ogato waxaan ku hadlayo sida ay ii sheegn turjumaanadii kale ee meesha mafiyey gabadhaasi waxay warkii siisey rag hargeisa jooga waana raga sawirka iga qadey ee meel walba u ugu direy internett ka.

 

 

Isla markiiba madaxii IMS ru wuxuu i siiyey diidmo isagoon i waraysan loyer ayaan qabsadey labadiiba waan dacweeyey oo maxkamad sare ayaan geeyey gabadhii loyer ayey qabsatey waanay inkirtey arintii dadkii ii sheegeyna waa baqeen oo waxay yidhaahdeen markhaati hana gelin arintaasi waxay taala wali maxkamada sare ee kenya ninkii IMS ta ahaa 2 jeer oo ay maxkamada kenya ay marti qaadey wuu diidey waayo wuxuu la lahaa duplatic . markaa walaal inka bbc da ka waramay gurigii uu joogey markii uu fakadey ayuu warkan ka heley , waana mu aamarad dowladeed oo anigu laygu sameeyey . waxaa kel oo jirta in dhamaan ragii aan ka sii daayey ay yidhaahdeen canjeex ayaa naga sii daayey .

 

 

 

SDWO: Gebogebadii maxaad ku soo gunaanadi lahayd warbixintaada?

 

 

ANIGOO AH GAASHAANLE SARE IBRAAHIM CALI BARRE waxaan cadeynayaa in aan kiiskaa lug ku lahayan , sarkaalkaa ***** iyo kaa ****** ee ila shaqeynayay ,kaa ***** wuxuu ku jiraa markii iigu danbeysay ciidanka Somaliland ka hawiyena xamar ayuu ku sugan yahay hada.

 

 

 

Waxaa kale oo aan arkey kuwa u dooda xuquuqda bani aadamka ee loo soo direy shirka aldored oo la yidhaah MARTINHILL waxaanan u sheegey in ay Eldored ay joogaan 4 qabiil ee soomaliya u waaweeyn iyo kuwa yar yar ee badhka l yidhah iyo ilaa iyo 60 kii wixii madax ka ahaan jirey soomaaliya hal qof oo igu eedeeyey na oo maxkamad ila taga ka raadi oo oo ay ka jawaabaan laba sababood ama sadex in aan anigu bixiyey amarka raafka iyo dilkaba iyo in aan anigu gacantayda ku diley , waxaanse u sheegeyaa nimanka su laahan i soo weydiiyey hadaan anigu wax laynayey waxaan badbaadiyey kuwaa iyo kuwa kale oo badan iyaguna ragbadan ayaa ka nool markaa waxaan idin weydiinyaa sababta aan u laayey dhalinyarada ee aan u daayey saraakiisha ,madaxda iyotujaarta , waxaan kaloo heley intaa Nairobi joogey gudigii xaalada degdeg ah ee dowladii siyaad barre oo ka koobnaa ilaa 11 nin , sadex ayaa ***** ahayd oo wasiiro ku jiraan oo janano leh sida Taliyaha poliska Axmed jamac , habarjeclo oo ku sugan maraykan , iyo nin dhalin yaro ah o wasiir ahaa , habar awalna ahaa, waxaan kaloo maqley in aan dowlad u qabatey 5 nin oo golaha baalamaanka ah oo arintaa iyada ah , markaa meel ay ku danbeysay ma garanay arintaasi. Ka dibna dagaalkii ayaa dhacay muqdisho ayaan ku soo qaxay , waanan ka sii qaxay muqdisho intii aan joogey keniya waxaa ka fakadey ilaa 5 shirqool.

 

 

 

1993 xerada qaxoontiga ee kaakuma ayaan ka tegey waxaanan tegey Nairobo waxaan seexdey hotell ku yaala xaafada isley Nr 5 . oo uu leeyahay nin mustafe la yidhaah oo *********** ah 2 habeen ayan seexdey waanan ka tegey, habeenkii aan ka tegey waxaa yimid askar waxaanay toosiyen dadkii oo dhan iyagoo raadinaya canjeex meeyey ana maan joogin ba nairobi oo waxaan ku laabtey xeradii qaxoontiga , 1994 waxaa shirey rag isaaqa oo nairobi joogey waxaa la ururuiyey ilaa 2000 $ si la iigu dilo lacagtaa waxaana loo dhiibey lacagtaas nin la yidhah Cabdi haybe oo Hbaryoonis ah - isxaaq , ka dib baana la yidhi lacagtaa ninkaa ku khaarajiya ,waxaana meesha yimid nin la yidhah sheekhul jabha oo sheekha ceerigaabo ah , wuxuuna weydiiyey oo uu yidhi ilaahay ka baqa oo hubsada arinta , arintii way hubsadeen in arintaasi shirqool ahayd ayaana u soo baxdey arintaasina waxaa ii sheegey ninkii loo xilsaarey ee cabdi haybe oo yidhi ilaahay waxuu kuu soo direy sheekha reer ceerigaabo waxaana lacagtaa iga baxdey 800 shilin oo ku baxdey baadhitaan intii kalena waan celiyey , 1994 waxaa uu ii sheegey ninka la yidhaahdo BLACKI oo ah habarjeclo /adam madoobe oo ah nin siyaasi ah kenya ah. Waxanu qorshaynay anagoo isticmaalaynaya askarta kenya in baabuur aan taariko lahaynkaagala baxno guriga irbad suuxiso ahna kugu dhufano halkaa dayuurad kaa saarna hargeisa kaa dejino, hada laakin si ilaahiye ayay ku baaqatey

 

Markaa waxaa ila joogey maxamed farax gawamle oo ********* ah. Isla sanadkaa 1994 kakumo qoladii reer miyiga ahayd ee isaaqa ahayd ee deegaanka ahayd ayaa qorshasay in la ururiyo lacag dabdeedna la I dilo.

 

 

 

Arintaasna waxa is hortaagay nin nabad doon ah oo habaryoonis ah oo la yidhaahdo CABDILAAHI, arintaa waxaa ii sheegey nin ********* ah oo hooyadii habar yoonis tahay oo la yidhaahdo daahir shire.

 

 

2001 aya wargeyska jamhuuriya Volume 11 cadadkiisii 1511 ee soo baxay 8 bishii 5aad , wuxuu joornaalkaasi qorey eedeyn been ah isgoo magac been aha adeegsanaya isla markaan nin kii qorey magaciisa ma shegin , isla sidaas oo kale joornaalka maandeeq ee xukuumadu , s4aad cadadka 659 oo soo baxay 01.07.2000 , taasna waxay xaqiijisey in wiilkii sheegey in koofiyad cas ay soo raaftey taasi waxay tusaysaa in aanan anigu ku lug lahayn.

 

 

Maalimihii itixadku ka dagaalamayey Gedo ayaa nin itixad ka mid ahaa oo la yidhaah farx xaashi , oo ******** ah hada Norway jooga ayaan waaan ku idhi maxaad dadka masaakiinta ah ee reer miyiga ah aad u xasuuqeysaan wuxuu igu yidhi adiguba xasuuqbaad samasay waxan ugu jawaabay nin walba danbigiisa ilaahay ayuu la hortagayaa waxanay ahayn 1996,

 

 

1998 anigoo xabaalayna nin Nairobi ku dhintey ayaa waxaa ka sheekeeyey arintii jasiira laba nin oo goobtii taagnayd ilaahay arinkii ayey si waadaxa uga sheekeeyeen waxaana u yeedhey faarax xaashi oo goobjoog ahaa , waxaan ku idhi si fiican u dhagayso , si fiican ayuuna u dhagaystay waxaan ku idhi ka waran arintii aad igu tidhi 1996 , raali iga ahow ayuuna yidhi ilaahay ayaad la hortagi ayuuna iigu jawaabey .

 

 

Wuxuun yidhi diyaar ayaan u ahay wixii danbe ee suu,aalo ah hadii aanay arintu ahayn qabiil iyo wixii xunba ninkaad necebtahay dusha ka saar.

 

Dimishiqna looyara ayaan ku leeyahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

These killing of these men was a regretable episode in Somali history, however these articles do not tell teh full story of what happened that night. I will post my full reply soon. Its sad that the death of these men is being abused.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxariisto dadkaasi xaqdarrada lagu dilay, ciddiise ka dambeysay aduun waxba ma sheegayo balse aakhiro ayuu war haystaa oo aanan looga haraynin kuna qarsoomaynin. Canjeeex kama masuul ahayn waa la masabitay. Meel kasta wuu ka sheegay inusan ka dambaynin, anniga waxaan kula kulmay Suuriya, si toosa ayaan u weydiiyey sidaa uu kor ku sheegay ayuu iisheegay (I skimped thru the article) waana la ogaa inuusan Canjeex ka dambaynin. Wuxu kaloo isheegay inuu challenge-gareey diyaarna u yahay cid kasta oo kale inuu maxkamad la aado maxkamad kastana aay noqotaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this