Sign in to follow this  
Deeq A.

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo  geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariisto Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Waxaa uu soo noqday Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Wasiirkii Maaliyadda Somaliland.

Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo ay ugu horeeyaan musharraxa madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyaga oo ku hadlaya afka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Hurre Buubaa oo dalka Turkiga ku geeriyooday.

Waxa ay marxuumka ku sifeeyeen shakhsi ka mid ahaa haldoorka iyo odayaasha la qadariyo ee reer Somaliland islamarkaana ahaa siyaasi ruug caddaa ah oo muddadii uu xilalkii kala duwan ee uu ka soo qabtay Somaliland iyo Somalia hayay si hufnaan iyo hawl karnimo leh bulshadiisa ugu soo adeegay.

Hoggaanka Xisbigu waxay Illaahay uga baryayaan Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this