Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xaqiijiyay inuu taageero millitari ka dalbaday Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageero millatari ka dalbatay dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, Si loo qaado tallaabada xigta ee ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in saddex waddan oo laftooda la kulmay weerarrada Al-Shabaab, ay ka helidoonaan ciidamo iyo karti dheeraad ah marka loo eego wejigii hore ee howlgalka Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday iyadoo ciidamada dowladda ay sii xoogeysanayeen tan iyo bishii Augusto, kaddib markii ay billaabeen ololihii ugu muhiimsanaa ee ay Soomaalidu hormuudka ka ahayd ee ka dhanka ahaa kooxda al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helayay kuwa qabaa’ilada ee deegaanka, ayaa 15 sano kadib ku guulaystay inay Alshabaab ka xoreeyaan degaano ay maamulayeen.

Falanqeeyayaasha ayaa isku raacay in howgallada ka dhanka ah Alshabaab ay dib u dhigeen qaar ka mid ah guulihii al-Shabaab ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ku khasbay inay lumiyaan dhul badan.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo wareysi siiyay wargeyska Financial Times, ayaa u sheegay inuu rajaynayo in weerarada ka dhanka ah Alshabaab ay ku khasbi doonaan miiska wada hadalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this