Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka cusub ee Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680688070582.jpg?resize=720%2C51

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, kana taageero dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dagaalka kooxaha Khawaarijta ah looga ciribtirayo dalka.

Mudane Xamse oo sheegay in ay mahad u hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka cusub ee Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this